Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tartan Ciyaaraha Karate iyo Teakwondo oo Muqdisho Lagu Qabtay

0
Wednesday February 06, 2013 - 13:24:09 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan Ciyaaraha Karate iyo Teakwondo oo Muqdisho Lagu Qabtay

    MUQDISHO - Tartan ciyaareed xiiso leh oo ku saabsan ciyaarta Karate iyo Teakwondo oo maalmahan si xiiso leh uga socday Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay garoonka 1da Luulyo [ Ex-Lugino], iyadoo tartankan u soo agaasimay XSKT oo kaashanaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO - Tartan ciyaareed xiiso leh oo ku saabsan ciyaarta Karate iyo Teakwondo oo maalmahan si xiiso leh uga socday Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay garoonka 1da Luulyo [ Ex-Lugino], iyadoo tartankan u soo agaasimay XSKT oo kaashanaya Ururka u dooda Xaquuqda Dhalinyarada ee SYAO. Xeritaanka Tartankan oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada kala duwan ee GOS iyo madaxda SYAO ayaa ugu horeyn waxaa ciyaaryahanada uu horkacayay Guddoomiyaha Xiriirka Karate iyo Teakwondo AweysAbanuurAbati (Orafeeyo) ku soo bandhigeen ciyaaro kala duwan oo dhinaca Karate iyo Teakwondoga ah oo si weyn u xiiso gelisay mas`uuliyiintii iyo taageerayaashii daawanayay. "Waan ku faraxsanahay in Tartankan si qurux badan noogu soo xirmo, aad ayaan ugu mahadcelinaynaa SYAO oo naga gacan siiyay habsami u socodka - waxaana ku kalsoonahay ciyaaryahanada aad daawateen inay noqon doonaan kuwo metelaya qaranka kana qeybgeli doona tartamada Caalamiga" ayuu yiri Guddoomiyaha XSKT Aweys Orafeeyo. Guddoomiyaha SYAO Maxamed Ibraahim Cali [Maxamed Cajiib] ayaa dhinaciisa tibaaxay in ay diyaar u yahiin mar walba dhiirigelinta dhaqdhaqaaqyada isboorti ee dalka wuxuuna XSKT ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee bulshada ugu muujiyeen xiisaha ciyaarta Karate iyo Teakwondo. Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo lagu Sharfay inuu tartankan soo xiro ayaa SYAO ugu mahadceliyay dhiirigelinta ay dal iyo dibad la garab joogtay sidii loo dhiirigelin lahaa horumarinta Isboortiga, wuxuuna ku booriyay inay horey u sii wadaan dhiirigelintooda. Si kastaba, Tartankan xiisaha lahaa ayaa waxaa lagu bixiyay Koob iyo abaalmarino kala duwan. waxaa daawashada Tartankan ka qeybgalay mas`uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yahiin Guddoomiyaha SYAO Maxamed Ibraahim Cali [Maxamed Cajiib], Guddoomiye ku xigeenka Degmada C/Casiis Md. Raage, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow}, Fanaanka Caanka Farxaan Xiddig, Agaasimaha Idaacadda Dalsan Xasan Cali Geesey iyo Taageerayaal aad u xiiseeya ciyaartan Karate iyo Teakwondo. Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.