Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta

0
Saturday February 09, 2013 - 01:12:53 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta

    MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay gabdhaha Horeed iyo Heegan , waxaana si xarago leh markii afaraad koobka gacanta ugu dhigay Hee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay gabdhaha Horeed iyo Heegan , waxaana si xarago leh markii afaraad koobka gacanta ugu dhigay Heegan oo 12-5 ugu awood sheegatay Horseed. Kulankan kama dambeysta oo ay ku balansanaayeen labadan kooxood eesida weyn u xafiiltamadhinaca kalena kala metalayay Ciidanka Xoogga Dalka 'HORSEED' iyo Ciidanka Booliska 'HEEGAN' sidoo kalena ay u kala saftaanciyaaryahano ka tirsan xulka Qaranka Gabdhaha Kubadda Gacantaayaa waxay ciyaartooda ahaydmid si weynay ugu soo qeybgaleen Taageerayaal aad u badan iyo mas`uuliyiin kala duwan. iyagoo soo bandhigay ciyaar ku dheehan asluub iyo xirfad sareysa. Qeybtii hore ayaa u muuqatay mid ay labada kooxood kubaddu qeybsanayaan oo marba dhinac shabaqooda gool lagu hubsanayay, Laakiin qeybtii labaad ayay Heegan awood dheeraad la timid iyagoo ka faa`ideystay ciyaaryahanadooda aadka u dhaadheer oo u sahlay inay kubadaha meel fog ay ka dhaliyeen sidaasna guusha ay markii afaraad oo isku xiga ay ku raacday 12-5. Waxaa ciyaartan garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cusmaan Xaaji (Galeey), Dhibcaha waxaa qorayay Maxamed Xasan Fiidoow.iyadoo Sacaadda uu hayay C/raxman Suufi Karaama. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow} iyo Guddoomiyaha Degmada C/CasiisC/laahi Xuseen Xasanayaa gabagabadii sheegay inay aad ugu faraxsan yahiin in Tartankan guul ku soo dhamaado, iyagoohalkaasina ku guddoonsiiyay Abaalmarino Koobab ah kooxihii galay kaalimaha 1aad 2aad iyo 3aad. Ugu dambeyn XSKG ayaadhinaca kale warbaahintan u xaqiijiyay in Jimcaha soo socda ay qorshaynayaan inay dhacdo ciyaartii kama dambeysta ee Horyaalkii 13aad Wiilasha Kubadda Gacanta oo ay ku hardami doonaan kooxaha Heegan iyo Dekedda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.