Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxda GO Adduunka oo ku faraxsan doorashadii taariikhiga ahayd ee GOS.

0
Saturday February 09, 2013 - 02:05:29 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda GO Adduunka oo ku faraxsan doorashadii taariikhiga ahayd ee GOS.

    Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Adduunka (IOC) Dr Jaques Rogge iyo agaasimaha xiriirka guddiyada olimbikada dunida Mr Pere Merlo ayaa qoraalo kala gooni ah u soo diray madaxda cusub ee Guddiga Olimbiakada Soomaaliyeed ayagoo uga hambalyeeyey doorasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Adduunka (IOC) Dr Jaques Rogge iyo agaasimaha xiriirka guddiyada olimbikada dunida Mr Pere Merlo ayaa qoraalo kala gooni ah u soo diray madaxda cusub ee Guddiga Olimbiakada Soomaaliyeed ayagoo uga hambalyeeyey doorashadii dimoqaraadiyadda iyo cadaaladda ku dhisnayd ee ka dhacday magaalada Mogadishu bishii Janaayo 3-4 teedii sanadkan 2013 ka. Guddoomiyaha GOA oo qoraal hambalyo iyo dhiirigelin isugu jira u soo diray guddoomiyaha GOS mudane C/Laahi Axmed Tarabi ayaa ugu hambalyeeyey xilkan cusub ee loogu doortay guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaaya magaca bahwaynta Olimbikada adduunka waxaan si kalgacal leh kuugu hambalyeynayaa xilkan guddoomiyaha ee laguu doortay xiligii uu socdau shirwaynihii Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Mogadishu bishii Janaayo 3-4 teedii waxaanan kuu rajaynayaa in aad ku guulaysato adiga iyo madaxda kaleba sidii aad u sii horumarin lahaydeen dhaqdhaqaaqa Olimbikada ee dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalkan uu soo diray guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.


Dhinaca kale madaxa xiriirka guddiyada xubnaha ka ah Guddiga Olimbikada Adduunka oo asaguna qoraal u soo diray guddoomiyaha iyo xogyaha cusub ee GOS ayaa dhinaciisa ugu hambalyeeyey xilalka cusub ee loo igmaday ayaga iyo dhamaan guddiga fulinta wuxuuna caddeeyey in ay sii kordhin doonaan xiriirkii mira dhalka lahaa ee ay la lahaayeen GOS isla markaana u balqaaday in ay la garab taagnaan doonaan GOS taageero dhinac kasta ah sidii dib loogu soo noolayn lahaa dhaqdhaqaaqii sport ee dalka.

Horey ayey qoraalo noocaan oo kale ahi uga soo gaareen madaxda cusub ee GOS hay’adaha sport ga ee qaaradda Afrika iyo kuwa geeska Afrika intaba kuwaasoo dhamaantood loogu hambalyeynayey xilalka cusub iyo doorashada dimoqaraadiga ahayd ee ka dhacday dalka Soomaaliya gudihiisa intaba.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.