Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Orodka nabadda oo soo nooleeyey rajadii shacabka Mogadishu.

0
Sunday February 10, 2013 - 19:31:17 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodka nabadda oo soo nooleeyey rajadii shacabka Mogadishu.

    Orod masaafadiisu dhamayd 1 Mile ayna si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen guddiga olimbikada Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir laguna taageerayey nabadgelyada isa soo taraysa ayaa jimcihii ka dhacay magaalada Mogadishu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orod masaafadiisu dhamayd 1 Mile ayna si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen guddiga olimbikada Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir laguna taageerayey nabadgelyada isa soo taraysa ayaa jimcihii ka dhacay magaalada Mogadishu.

Orodkan oo lagu orday jidadka magaalada Mogadishu ayna ka qaybqaateen madax ay ka mid yihiin Duqa magaalada Mogadishu Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), xoghayaha GOS uraan Axmed Faarax, madaxda xiriirada kala gedisan qaarkood, ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada Mogadishu, dagmooyinka gobolka Banaadir iyo waliba ardayda xarunta agoonta ee hay’adda Qatar ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyey shacabka magaalada Mogadishu kuwaasoo ayagu safnaa daafaha jidka dheer si ay u dhiirigeliyaan hadafka loo qabtay orodkan.

Xoghayaha GOS oo ka hadlayey dhamaadkii tartanka ayaa ku amaanay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Mogadishu mudane Tarsan sida hagar la’aanta leh ee uu had iyo goor u garab taagan yahay bahda sport ga iyo fahamka wanaagsan ee u leeyahay waxtarka iyo isku-xirka bulshada ee uu sport gu leeyahay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan idinla wadaago maanta tartankan orodka ah ee lagu taageerayey nabgelyada iyo isdhexgalka bulshada in uu si guul leh noogu dhamaado, waxaanan jeclahay in aan amaan iyo bogaadin u jeediyo duqa magaaladan Mogadishu mudane Maxamuud Axmed Buur (Tarsan) sida uu had iyo goor u taageero tartamada sport ee lagu nabadaynayo bulshada ama leh hadafyadaas. Orodkan waxaan uga dan lahayn sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed u dareemi lahaayeen nabadgelyada isla markaana aan ugu dhiirigelin lahayn isdhex-galka iyo in ay ka fogaadaan falalka wax u dhimaya naftooda iyo tan shacabka intaba” ayuu yiri xoghaya GOS mudane Duraan oo la hadlayey shacabkii iyo warfidiyeenadii ku sugnaa dhamaadkii tartanka.

Duqa magaalada Mogadishu mudane Tarsan oo asaguna dhinaciisa ka hadlay goobta ayaa ku amaanay GOS dadaalka ay uga qaybqaadanayaan nabadaynta magaalada Mogadishu iyo waliba fikirkan wanaagsan ee ah orodkan mile ka ah, wuxuuna sheegay in tartankan la joogtayn doono sanadaha soo socda.

“Magaalada Mogadishu iyo shacabkeeduba waxa ay ka soo kabanayaan dagaaladii aafeeyey magaaladan isla markaana ka hor istaagay shacabkan in ay si xoriyad leh uga qaybqaataan tartamada sport waxaanad maanta markhaati ka tihiin sida shacabka Mogadishu u taageersan yihiin dadaalada nabadaynta ah ee dawladda federaalka ahi wado iyo waliba dadaalka GOS ugu jirto sidii ay dib ugu soo celin lahayd isdhexgalkii dhalinta iyo u abaabulidda tartamo sport oo lagu dhiirigelinayo dhalinyarada magaalada” ayuu yiri duqa magaalada Mogadishu ka dib markii uu soo dhamaystay orodkii uu ku soo maray magaalda

Goobihii tirada yaraa ee lagu qaban jiray tartamadii sport ee magaalada ayaa waxaa soo gaaray burbur baaxad leh oo ay u gaysteen dagaaladii sokeeye ee dalka aafeeyey, jidadka burbursan ee magaaladuna waa jidka kaliya ee ay ku tababartaan cayaartoyda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee rajada ka qaba tartamada dalka iyo dibadda intaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.