Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Kooxda Kubadda Gacanta Heegan oo Hantay Horyaalkii 13aad

0
Saturday February 16, 2013 - 13:22:56 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Kubadda Gacanta Heegan oo Hantay Horyaalkii 13aad

    MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 13aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay wiilasha Horseed iyo Heegan, waxaana markii shanaad ee isku xiga koobka gacanta ku dhigay Heegan oo 1

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 13aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay wiilasha Horseed iyo Heegan, waxaana markii shanaad ee isku xiga koobka gacanta ku dhigay Heegan oo 17-15 ugu awood sheegatay Dekedda. Labadan Kooxood ee Heegan iyo Dekedda ayaa ah labada kooxood ee ugu awoodda weyn dhanka Kubadda Gacanta dalkeena waxaa ka dhaxeeya xafiiltan ciyaareed aad u heer sareeya, waxaana muuqanaysa markii ay kulmayaan inay ciyaarayaan kulan xirfad iyo xamaasad badan. QAABKA CIYAARTA Qeybihii ugu horeeyay Kooxda Dekedda waxay la soo baxday ciyaar farsamo leh waxaana muuqanaysay inay goolasha ku hormarayaan halka Heegan ay mar walba barbardhaca ay ku dadaalaysay, Laakiin waxay xaajada is bedeshay markuu garoonka soo galay ciyaaryahanka ay ku dhaartaan Heegan Cali Baraawiini oo goolal deg deg ah shabaqa Dekedda dhex dhigay sidaasna ugu sahlay inay hogaanka ciyaarta ay la wareegto Heegan, waxaana xusid mudan in fursado qaali ah oo soo maray Dekedda ay iska lumiyeen kuwaas oo u badnaa rigoore (penalty). guud ahaan ciyaartan xiisaha lahayd ayaa 17-15 ku soo gabagabowday. Waxaa ciyaartan garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cusmaan Xaaji (Galeey), Dhibcaha waxaa qorayay Nuur Rooso. iyadoo Sacaadda uu hayay Maxamed Dheere. Gabagabadii waxaa halkaasi lagu bixiyay Abaalmarino Koobab iyo Bilado ah kooxihii galay kaalimaha ugu horeeyay oo ay xaqiijiyeen kooxaha Heegan, Dekedda iyo Horseed. Daawashada ciyaarta waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin kala duwan sida Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), Agaasimaha guud wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada Aweys Sheekh Xadaad, ku simaha Guddoomiyaha GOS Axmed Cabdi Xasan {Wataac}, Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax, Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Guddoomiyaha NGSC C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo), Guddoomiyeyaasha degmooyinka C/Casiis iyo Xamar Jajab C/laahi Xuseen Xasan iyo Maxamed Cali Axmed, marti sharaf iyo taageerayaal aad u farabadan. Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.