Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Somaaliya oo ka qaybgalaysa tartanka cayaaraha Taekwondo ga ee Alexandria.

0
Tuesday February 26, 2013 - 02:29:16 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaaliya oo ka qaybgalaysa tartanka cayaaraha Taekwondo ga ee Alexandria.

    Tartanka caalamiga ah ee cayaaraha Taekwondo ga laguna magacaabo Alexandrias World Taekwondos Championship ayna isugu yimaadaan cayaartoyda adduunka ee cayaartan ayaa waxa uu si xiisa leh uga socdaa magaalada Alexandria ee dalka Masar, Ayadoo ay mark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka caalamiga ah ee cayaaraha Taekwondo ga laguna magacaabo Alexandrias World Taekwondos Championship ayna isugu yimaadaan cayaartoyda adduunka ee cayaartan ayaa waxa uu si xiisa leh uga socdaa magaalada Alexandria ee dalka Masar, Ayadoo ay markii ugu horeysayna dalkeena Soomaaliya uga qaybgalayaan laba cayaaryahan oo cayaartan u leh xirfad wanaagsan.

Faysal Aways iyo Maxamed-Deeq oo labaduba ka yimid dalka Switzerland si ay xulkeena qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan cayaarahan ayaa uga kala qaybgali doona tartamada 63kg ee waawaynka (senior) iyo kuwa da’yarta (Junior) ka waxaana la filayaa in ay guulo ka soo hooyaan sida uu ii sheegay guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Ibraahim Abuukar Shaamo oo asagu hogaaminaya wafdiga Soomaaliyeed ee cayaarahan ka qaybgalaya.

“Waxaa dalkeena Soomaaliya uga qaybgalaya tartankan laba cayaartoy oo aad ugu wanaagsan cayaartan Taekwondo ga waxaana ay cayaarahani tijaabo u yihiin cayaartoydan oo aan filayno in ay guulo keenaan isla markaana ay sidoo kale uga faaiidaystaan tartamadan sidii ay ugu soo gudbi lahaayeen cayaaraha Olimbikada ee ka dhici doona dalka Brasil 2016 ka” ayuu yiri IBraahim Shaamo oo kalsooni ka muujiyey guulaha ay ka filayaan cayaartoydan.

Cayaartan Taekwondo ga oo ka mid ah cayaaraha ay sida aadka ah u cayaaraan shacbiwaynha dalalka qaaradda Aasiya ayaa waxa ay ugu horeyntii ka soo bilaabatay dalka Kuuriyada Koofureed oo ay ilaa iyo xiligan ka tahay cayaarta ugu caansan dalkaasi waxayna xiliyadii hore u adeegsan jireen tababarka ciidamada.

Cayaartan Taekwondo ga ayaa waxaa markii ugu horeysay ka mid noqotay cayaaraha lagu tartamo ee Olimbikada adduunka sanadkii 1988 cayaarihii Olimbikada ee ka dhacay dalkii ay ku dhalaty cayaartani ee Koonfurta Kuuriya ayadoo ka dibna lagu tartamayey tartamadii kale ee ka kala dhacay dalalka Shiinaha, Giriiga iyo Ingiriiska.

Cayaartan oo ka mid ah cayaaraha mid mid ka la isaga horyimaado ayaa waxaa ay la mid tahay cayaaraha orodada oo kale oo haddii cayaaryahanku dadaalo waxaa hubaal ah in uu meel wanaagsan ka gaari karo waxaana xiligan muuqata in guddiga olimbikada soomaaliyeed iyo xiriirada la shaqeeya ay xooga saarayaan cayaaraha shaqsi shaqsiga looga qaybgalo ayadoo dhinaca kalena ay soo badanayaan cayaartoyda ku dhaqan qurbaha oo ayagu diyaarka u ah in ay matalaan dalkooda taasoo suuragalin doonta in la helo cayaartoy metasha dhamaan cayaaraha kala gedisan ee dunida laga cayaaro maadaama ay Soomaalidu ku baahday dunida oo idil.

Faysal iyo Maxamed-Deeq ayaa labaduba berrito ka hortagi doona laba cayaaryahan oo labaduba u dhashay dalka Masar isla markaana ka mid ah naadiyada magaaladaasi Alexandriya balse Ibraahim Shaamo ayaa sheegay in uu rajo wayn ku qabo cayaartoyda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.