Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ku guulaysatay biladdii ugu horeysay ee cayaaraha Taekwondo ga.

0
Wednesday February 27, 2013 - 13:39:16 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ku guulaysatay biladdii ugu horeysay ee cayaaraha Taekwondo ga.

    Maxamed Deeq oo ka mid ah labada cayaaryahan oo xulka Soomaaliya u matalaya cayaaraha caalamiga ah ee Taekwondo ga kana socda magaalada Alexandria ee dalka Masar ayaa ku guulaystay biladda maarta ah ama kaalinta saddexaad ee tartankaasi oo ay ku kulm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Deeq oo ka mid ah labada cayaaryahan oo xulka Soomaaliya u matalaya cayaaraha caalamiga ah ee Taekwondo ga kana socda magaalada Alexandria ee dalka Masar ayaa ku guulaystay biladda maarta ah ama kaalinta saddexaad ee tartankaasi oo ay ku kulmeen cayaartoy badan oo ka kala timid dunida. Guushan ayaa ka dhigaysa biladdii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ka hesho cayaaro caalami ah ayadoo dhinaca kale uu cayaaryahankii kale ee Faisal Aways uu asaguna galay kaalinta afaraad ee culayskii uu ka tartamayey, ayadoo sida lagu soo waramayana dagaalkiisii ugu dambeeyey ee uu kula tartamayey cayaaryahan ka socda dalka Masar uuna garsoorayey garsoore u dhashay isla dalkaasi aan si cadaalada ku dhisan loogu garsoorin inkastoo uu dagaalkan isla gaareen heerkii ugu dambeeyey. Guddoomiye ku xigeenka GOS Ibraahim Abuukar Shaamo oo hogaaminayey cayaartoydan ka qaybgalaya tartanka (5th Alexandria Open Championship) ayaa ku tilmaamay guulahan kuwa mira dhal ah isla markaana ay cayaartoyda Soomaaliyeed ee Taekwondo ga markii ugu horeysay taariikhda ka soo muuqan doonaan liiska kala horeynta cayaartoyda ee xiriirka Taekwondo ga dunida. Maxamed-Deeq iyo macalinkiisa "Aad ayaan ugu faraxsanahay natiijooyinka wanaagsan ee ay keeneen Faisal iyo Maxamed-Deeq waxaanan filayaa in guulahani u horseedi doonaan cayaartoyda Soomaaliyeed eek ala cayaara cayaaraha kala gedisan kuna nool dunida dacaladeeda in ay ku soo dhiiradaan sidii ay u matali lahaayeen dalkooda anaguna GOS ahaan aan ugu fududayn lahayn ka qaybgalka cayaaraha caalamiga ah taasoo horumar iyo magacba u keeni doonta dalkeena" ayuu yiri Ibraahim Shaamo oo la hadlayey warfaafinta Soomaaliyeed asagoo ku sugan magaalada Alexandria. Guddoomiye ku xigeenka GOS Ibraahim Shaamo oo biladdii guddoonsiiyey Maxamed-Deeq Shaamo ayaa dhinaca kale uga mahadceliyey Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwond ga, labadan cayaaryahan iyo macalinkooda oo iska xilsaaray sidii ay Soomaaliya magaceeda uga muujin lahaayeen cayaarta Taekwondo ga oo ah mid aan magic dheer ku lahayn dalkeena inkastoo uu xiriirka Soomaaliyeed u galay juhdi fara badan sidii uu sare ugu qaadi lahaa magaca cayaartan. Labadan cayaaryahan oo ka yimid dalka Switzerland oo ay ku noolyihiin ayaa waxaa la filayaa in ay sii kordhin doonaan tababarkooda isla markaana ka qaybgali doonaan tartamo kale oo caalami ah kuwaasoo u suuragelin kara ka qaybgalka cayaaraha Olimbikada ee ka dhici doona dalka Brasil 2016 ka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.