Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS iyo xiriiradiisa oo xusey halyeeyadii sportiga dalka + sawiro.

0
Friday April 05, 2013 - 03:25:25 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS iyo xiriiradiisa oo xusey halyeeyadii sportiga dalka + sawiro.

    Tartamo ciyaaro lagu xasuusanayey halyeeyada dhinaca ciyaaraha ee dalka gaar ahaan Gudoomiyihii GOS Aden xaaji Yabarow ( Wiish) Gudoomiyihii XKC Saciid M Nuur ( Muganbe) iyo Ex garoosre Caalami Mowliid Macaani Maxamuud ayaa manta lagu kala qabtey ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartamo ciyaaro lagu xasuusanayey halyeeyada dhinaca ciyaaraha ee dalka gaar ahaan Gudoomiyihii GOS Aden xaaji Yabarow ( Wiish) Gudoomiyihii XKC Saciid M Nuur ( Muganbe) iyo Ex garoosre Caalami Mowliid Macaani Maxamuud ayaa manta lagu kala qabtey garoomo dhowr ah oo ku yaala Muqdisho iyo Galkacyo,iyadoo xiriirada qaar dhigeen Koobab ay ku tartameen Kubadda Cagta,Kubadda Gacanta ,Kubadda Koleyga,Kubadda Laliska,Ciyaaraha Fudud,Karate and Tikwandu. Xiriirka Kubadda Gacanta iyo Ciyaaraha Fudud oo ay hareer joogeen kan Karate and Tikwandu ayaa garoonka Ex-Lugino ku qabtey tartamo ciyaareed aad usoo jiitey dhamaan dadweynihii kazoo qeybgalay oo ay ku jireen Madaxda ugu sareysa Gudiga Olombikada iyo xiriirada,waxaana dhinaca kubadda gacanta wada ciyaaray gabdhaha Heegan iyo Horseed oo 13-5 ay guushu ku raacdey kuwa Heegan oo koobkii la hoyaadey. Garoonka jaamacadaha Muqdisho waxaa Koob ku aadan munaasabadda xuska 4-ta April la dhex dhigey kooxaha City Plaza Hotel iyo SunJet iyadoo ay qeyb ka ahayd tartanka xidigaha kubadda cagta ee halkaasi ka socdey,waxaana Koobkii ku guuleystey kooxda City Plaza Hotel oo 3-1 ku qaarijisey SunJet halkaasina lagu gudoonsiiyey koobkii. Dhinaca garoonka degmada Hodan oo ay ka socotey ciyaaraha kubadda Koleyga ee degmooyinka ayaa waxaa la dhex dhigey Koobka 4-ta April degmooyinka Hodan iyo wadajir 56-48 waxay guushu ku raacdey kooxda Degmada Hodan oo qaadatey Koobkii. Dhinaca magaalada Galkacyo oo sidoo ay ka socdeen tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayey $-ta April ayna ka qeybgalayeen ilaa 12-kooxood ayaa waxaa manta kama danbeystiisii loo qabtey Xaflad lagu weyneynayo halyeeyadii ciyaaraha dalkeena,waxaana koobkii ku guuleystey kooxda Faluuja oo koob qurux badan la gudoonsiiyey. Ka sokow tartamada kala duwan ee ciyaaeaha ee lagu baratamayey waxaa garoomada lagu soo bandhigey sawiro iyo Slogano lagu muujinayey waxqabadkii halyeeyadii ciyaaraha dalka,gaar ahaan Marxuum Aadan Xaaji yabaroow,saciid MUganbe iyo Mowliid macaan oo halkaasina looga sheekeeyey taariikhdoodii allena looga baryey inuu janadii fardowsa ahayd geeyo dhamaantood. C/Xafiid zaciimka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.