Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gudiga Olombikada S oo Seminaar dhinaca Maamulka Ciyaaraha ka furey Muqdisho

0
Saturday April 13, 2013 - 17:53:04 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudiga Olombikada S oo Seminaar dhinaca Maamulka Ciyaaraha ka furey Muqdisho

    Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo lagu furayey seminar dhinaca hogaaminta maamulka ciyaaraha ah ayaa waxaa lagu qabtey xarunta gudiga olombikada Soomaaliya uu ku leeyahay Muqdisho, iyadoo ay kasoo qeyb galeen ilaa 25 xubnood oo ka socdey dhalinyara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo lagu furayey seminar dhinaca hogaaminta maamulka ciyaaraha ah ayaa waxaa lagu qabtey xarunta gudiga olombikada Soomaaliya uu ku leeyahay Muqdisho, iyadoo ay kasoo qeyb galeen ilaa 25 xubnood oo ka socdey dhalinyarada ka shaqeysa sportiga iyo ciyaartoyda ka soo baxdey jaamacadaha dalka. Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiir-ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeega bulshada Bashiir Maxamed Jaamac,Agaasimayaasha wasaaradda ,Madax ka tirsan xiriirada kala duwan iyo marti sharaf kale.Gudoomiyaha gudiga olombikada C/laahi Axmed Tarabi ayaa sheegey in gudiga Olombikada had iyo jeer isku howlo sidii dhinaca waxbarashada sportiga loogu hormarin lahaa jiilka cusub ee la doonaayo inay berito maamulaan ciyaaraha dalka."GOS waxay isku howleysaa in horumarinta ciyaaraha iyo dhinaca maamulka aanu gaarsiino heer sare,wuxuuna socon doonaa bilooyin badan 2-dii bilood sidaan oo kale ayaan u qaban doonaa"Wasiir-ku xigeenka wasaaradda Horumarinta adeega bulshada Bashiir Maxed Jaamac oo halkaasi ka Hadley ayaas sheegey in gudiga olombikada aad ugu hambalyeynayo horumarinta dhinacyada kala duwan ee ciyaaraha ee ay wadaan,isagoo kula dardaarmey inay gaarsiiyaan gobolada dalka."Runtii waa waxweyn in maamulka sportiga la siiyo dhalinyarada isla markaana la gaarsiiyo soomaalida meel kasta oo ay joogto sababtoo ah, waa muhiim in la helaa dadkii na bedeli lahaa"ayuu raaciyey.Ugu danbeyntii wuxuu halkaasi kula dardaarmey dhalinyaradii halkaasi loogu furey seminaarka,iney ka faaideystaan maadaama laga doonayo inay berito maamulaan sportiga isagoona si rasmi ah u furey tababarkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.