Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xoghayaha GOS oo u mahadceliyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.

0
Thursday April 18, 2013 - 18:44:12 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha GOS oo u mahadceliyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.

    Xoghayaha guud ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax oo ka hadlayey waraysi uu la yeeshay barnaamijka faaqidaada cayaaraha ee TV ga Universal ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK gaar ahaa kuwa Sport ga ku amaanay sidii wanaagsanayd ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax oo ka hadlayey waraysi uu la yeeshay barnaamijka faaqidaada cayaaraha ee TV ga Universal ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK gaar ahaa kuwa Sport ga ku amaanay sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhaweeyeen GOS iyo cayaartoydii matalaysay Soomaaliya cayaarihii Olimbikada ee sanadkii 2012 kii.

“Waxay noo ahayd sharaf iyo nasiib fara badan in sanadkii hore ay cayaaruhu ka dhacaan dalkan UK oo ay ku nool yihiin tira badan oo Soomaali ah kuwaasoo ay ka mid yihiin bahwaynta Sport ga, waxaanan uga mahadcelinaynaa sidii wanaagsanayd ee ay noogu soo dhaweeyeen iyo xafladihii faraha badnaa ee lagu dhiirigelinayey madaxda iyo cayaartoydii qaranka” ayuu yiri xoghayaha oo ka jawaabayey su’aal ku aadanayd sida uu u arko ka soo qaybgalkoodii cayaarihii Olimbikada dunida oo ka dhacay dal ay Soomaali fara badan ku nooshahay.

“Marka aan isbarbar dhigo dalalka Shiinaha oo aan ka qaybgalnay cayaarihii Olimbikada sanadkii 2008 dii iyo London waxaa u dhaxaysay farqi wayn runtiina waxaan dareenay dhiirigelin, waxaa sidoo kale aan ayaguna naga hagran kaalimahooda asxaabta sport ga iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK “ ayuu sii raaciyey xoghayaha GOS mudane Duraan Axmed Faarax oo u muuqday mid ay ka go’I la’dahay xusuustii wanaagsanayd ee ay ku reebeen cayaarahaasi.

Waraysigan oo dhinacyo badan taabanayey ayaa waxa uu sidoo kale uga hadlay doorashadii GOS ee bishii January 2013 kii ka dhacday magaalada Mogadishu, horumarinta sport ga guud ahaan, xiriirka wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo GOS iyo ugu dambayntii doorka qurbajoogta ayaa waxaa uu gabagabadii kula dardaarmay bahwaynta sport ga Soomaaliyeed in dalku u baahan yahay waxqabad iyo horumar laguna mashquulo sidii looga qaybqaadan lahaa dadaalkaas ay wadaan ayaga GOS ahaan iyo xiriirada dalka si loo gaaro hamiga guud ee sport ga dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.