Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gudoonka cusub ee xiriirka kubadda gacanta oo lagu doortey Muqdisho.

0
Sunday May 26, 2013 - 20:48:07 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoonka cusub ee xiriirka kubadda gacanta oo lagu doortey Muqdisho.

    Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta lagu qabtey Hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay kasoo qeybgaleen dhamaan kooxaha hoos taga xiriirka,madax ka socota GOS,bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynihii 6-aad ee xiriirka kubadda gacanta ayaa maanta lagu qabtey Hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay kasoo qeybgaleen dhamaan kooxaha hoos taga xiriirka,madax ka socota GOS,bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale. Shirweynaha oo lagu dooranayey gudoonka cusub ee Xiriirka kubadda Gacanta ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigey waxqabadkii xiriirkaasi mudadadii 4-ta sano ee lasoo dhaafay,waxaana warbixin ka aqriyey Maxamed Xuurshe Eenow oo ahaa gudoomiyihii xiriirkaasi isla markaana ahaa musharaxa keliya ee mar kale u taagnaa doorashada. Khabiir Xaaji Maxamed Axmed Colow oo kasocdey gudiga Olombikada Soomaaliyed ahaana gudoomiyaha doorashada ayaa halkaasi uga mahadceliyey kooxaha Xiriirka iyo hogaankiisii mudadii 4-ta sano ee lasoo dhaafay isagoo halkaasi ka aqriyey musharixiinta u taagan xilkaasi 4-ta sano ee soo socota. Waxaa halkaasi ugu horeyn lagu soo bandhigey Maxed Xuurshe xasan (Eenow) oo u taagnaa jagada Gudoomiyaha iyadoo aysan jirin cid la tartameysay waxaana codkooda siiyey 6-da kooxood ee u diiwaangashan xiriirka iyo ururka arimaha ciyaaraha,iyadoo cod gacan taag ah lagu ansixiyey in Eenow mar kale hayo jagada ugu sareysa xiriirka ilaa 2017. Sidoo kale waxaa halkaasi lagu ansixiyey gudiga kale ee xiriirkaasi oo gaaraya ilaa 10 xubnood oo kale waxayna kala yihiin:- 1-Maxamed Xuurshe eenow -Gudoomiye2-Maxamed C/laahi Cali - G/K/X /1aad. 3-Shamso C/dulle Maxamuud K/X/2-aad4-C/salaam Axmed Guuleed -G/K/3-aad5-Nuur Maye Cismaan -Xoghaye6-Cawil Nuur Magan -Xubin7-Geediyo Cali Abshir -xubin8-Maxed Maxamuud Burci -Xubin9-C/salaam Muumin -Xubin10-C/qaadir X. Adan Buule –Xubin11-Shiikh Daahir -Xubin C/xafiid C/samad ZaciimkaZaciimka02@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.