Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gudoonka cusub ee XKKS afarta sano ee soo socota oo lagu doortey Muqdisho + sawiro

0
Sunday May 26, 2013 - 20:54:28 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoonka cusub ee XKKS afarta sano ee soo socota oo lagu doortey Muqdisho + sawiro

    Congresskii 6-aad ee xiriirka kubadda koleyga ayaa lagu qabtay Muqdisho,iyadoo halkaasina goob jog ka ahaayeen Madax katirsan Gudiga Olombikada,wasaaradda Houmarinta adeega bulshada qeybta sportiga iyo bahda warfaafinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Congresskii 6-aad ee xiriirka kubadda koleyga ayaa lagu qabtay Muqdisho,iyadoo halkaasina goob jog ka ahaayeen Madax katirsan Gudiga Olombikada,wasaaradda Houmarinta adeega bulshada qeybta sportiga iyo bahda warfaafinta. Doorashada ayaa waxaa dhinaca gudoomiyenimada isku soo taagay,musharax C/laahi Axmed Nuur (Cadaani) oo horey u ahaa,garsoore caalami oo dhinaca kubadda koleyga,waxaana halkasi lagu ansixiyey cod gacan tag ah maadaama uusan jirin musharax kale oo jagadaasi u taagnaa. Dhinaca gudoomiye ku xigeenada oo ilaa 4 xubnood ahaa,ayaa waxaa isku soo taagay ilaa 7 xubnood iyadoo lagu tartamay gudoomiye ku xigeenimada 1-aad oo ay u tartameen Bashiir FOX iyo Maxamed xaaji ooh ore u ahaa gudoomiye ku xigeenada xiriirkaasi,waxaana codkii dhamaan codeeyayaasha oo dhamaa 14 helay Bashiir Maxamed yuusuf( FOX) oo kamid ahaa ciyaaryahanadii kubadda koleyga ee kooxdii Batroolka iyo xulka qaranka Soomaaliya. Dhinaca gudoomiye ku xigeenimada 2-aad ee xiriirka ayaa waxaa u tartamayey Cali Xasan Cali iyo Aadan Cabdi Maxed ( Qardhaas),waxaana si lamid ah 14-kii cod helay Cali xasan Cali oo horeyna u ahaa ku xigeenka 1-aad ee xiriirkii hore. Gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xiriirka ayaa waxaa ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Genni Xasan oo kamid ahayd gabdhihii kooxdii Batroolka. Gudoomiye ku xigeenada afaraad ayaa waxaa ku tartamay Xaawo sheikh Axmed (Xaawo Taako) iyo C/qaadir cali Geedi oo horey u ahaa ku xigeenka 4-aad,laakiin waxaa 14-cod ku guuleysatay Xaawo Taako oo kamid ahayd gabdhihii Qaranka iyo kooxdii Jeenyo. Xoghayaha xiriirka kubadda Koleyga ayaa waxaa mar kale helay Saciid Faarax Ducaalle oo ka tirsanaa kooxdii Batroolka horeyna u hayey xilkaasi afartii sano ee lasoo dhaafay. Xubnaha xiriirka kubadda koleyga ayaa tiradooda waxay gaaraysaa ilaa 9-xubnood oo kala ah. 1-Cabdi maxamed maxamuud (cabdi Dheere) 2-Nasro Maxed Maxamuud(Nasro Eelaay) 3-Cali Jimcaalle Jidhaan 4-Maxamed Cali Hindi 5-Abanuur Maxamed Abanuur 6-Busuri Xaaji Aama 7-C/qaadir Macalin C/raxmaan 8-Maxamed Sheekh Weli 9-Axmed Ibraahim Maxamed C/xafiid C/samad Zaciimka Zaciimka02@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.