Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Olombikada aduunka oo abaal marin siisay Xoghayaha Guud ee Q/M

0
Thursday June 06, 2013 - 00:02:27 in Wararka Dibadda by Super Admin
  • Visits: 3014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olombikada aduunka oo abaal marin siisay Xoghayaha Guud ee Q/M

    Guddoomiyaha guddiga Olombikada duunka Dr Jacques Rogge ayaa abaal-marinta ugu sareysa ee Olombikada duunka guddoonsiiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, waxaana munaasabada guddoonsiinta abaalamarintaasi ay maanta ka dhacday magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha guddiga Olombikada duunka Dr Jacques Rogge ayaa abaal-marinta ugu sareysa ee Olombikada duunka guddoonsiiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, waxaana munaasabada guddoonsiinta abaalamarintaasi ay maanta ka dhacday magaalada NewYork halkaas oo uu ka furmay shirweynaha caalamiga ah ee looga hadlayo horumarka, nabada iyo Isboortiga, sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska qeybta warfaafinta Olombikada duunka.

Abaal marinta la siiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay astaan u tahay sida Olombikada aduunka ay ugu aqoonsatay xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay inuu yahay nin ay ka go’antahay in Isboortiga loo adeegsado aalad lagu abuuro is badal bulshadeed oo xaga horumarka iyo nabada ah iyadoo xoghayaha guud uu horay u qaaday talaabooyin suuragal kadhigay in Isboortiga iyadoo loo marayo meelo badan oo aduunka ah nabad, horumar iyo is dhex gal bulshadeed laga hirgeliyo.

Xoghayaha guud ee Qramada Midoobay Mr Ban Ki-Moon iyo guddoomiyaha guddiga Olombikada aduunka Dr Jacques Rogge ayaa khudbado ka jeediyay furitaankii shir weynahan oo ay tahay markii ugu horeysay ee lagu qabanayo xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York waxaana shir weynahan si wada jir ah u qaban qaabiya UN-ka qeybtiisa horumarinta nabada iyo Isboortiga, igadoo uu gacan ka geysanayo guddiga Olombikada Mareykanka oo dalkiisa lagu marti yahay.

“Iyadoo aan maanta halkan ku kulan sanahay Isboortiguna shaqo kale oo dhanka nabada iyo horumarka ah ayuu ka hayaa meelo badan oo caalamka ka mida—wada shaqeynta arrinta laga sameynayo si xoog badan ayay usii korortay waxaana ku lug yeeshay dhinacyo badan oo ay arrintani ka go’antahay”ayuu munaasabada furitaanka shirka ka sheegay guddoomiyaha Olombikada aduunka Dr. Jacques Rogge.

“Hey’adeheena (UN-kaiyo IOC) laba kaalimood oo kala duwan ayay kaga jiraan bulshada laakin hadana hal meel ayaan u wada soconaa”ayuu munaasabada ka sheegay guddoomiyaha Olombikada aduunka Jacques Rogge.

Xoghayaha guud ee Qramada Midoobay ayaa isna munaasabada ka sheegay in xiriirka u dhexeeya nabada , Horumarka iyo Isboortiga uu si aad ah usoo kobcay sanadihii lasoo dhaafay, taasoo uu ku muujiyay in Isboortigu uu door aad uweyn ka cayaaray dhanka horumarka iyo nabad kusoo dabaalida meelo badan oo caalamka ah oo dhibaatooyin colaadeed ka jireen.

Shirkan oo sanadkan qaban qaabadiisa uu wax ku leeyahay guddiga Olombikada dalka Mareykanka maadama dalkiisa lagu qabanayo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa laguna eegayaa guulihii laga gaaray hindiseyaashii hore loo sameeyay iyo hadii ay jiraan caqabado lagala kulmay, iyadoo sidoo kalana lagu eegayo isiidii loogu gogol xaari lahaa barnaajiyo kale oo la doonayo mustaqbalka in la meel mariyo.

Abuurida “Aragti guud oo mida” ayaa ah cinwaanka shirka ee sanadkan waxaana uu shirku soo gabagaboobi doonaa Khamiista oo ku ebegan 6-da June 2013.

By Shaafici Muxuyadiin

Email:shaficiislow@yahoo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.