Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirwaynihii ururka ANOC oo dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyey.

0
Monday June 17, 2013 - 16:13:28 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirwaynihii ururka ANOC oo dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyey.

    Waxaa magaalada Laussanne ee dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyey shirwaynihii ururka guddiyada olimbikada Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ANOC kaasoo 15-16 bishan ka socday magaaladaasi ayna isugu yimaadeen 201 dal oo ka mid ah 204 ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Laussanne ee dalka Switzerland lagu soo gabagabeeyey shirwaynihii ururka guddiyada olimbikada Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ANOC kaasoo 15-16 bishan ka socday magaaladaasi ayna isugu yimaadeen 201 dal oo ka mid ah 204 ta dal oo xubnaha ka ah ururkan ayadoo ay kulankan ka soo cududaarteen dalalka Tuavu iyo Liberia halka dalka India na uu ganaax uga maqnaa shirwaynaha. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay isla markaana goobjoog ka ahaa xiriirada caalamiga ee cayaaraha kala duwan iyo wufuud ka kalasocotay magaalooyinka marti galin doona cayaaraha kala duwan ee olympicada adduunka ee sanadaha foodda inagu soo haya kuwaasoo isugu jira kuwa xilliga kuleylaha (summer Games) iyo kuwa qaboobaha (winter Games) oo dadka waaweyn iyo kuwa dhalinyaradaba. Shirwaynahan ayaa waxaa guddoominayey isla markaana daadihinayey guddoomiyaha ururka ANOC oo ka tirsan boqortooyada dalka Kuwait Sheikh Ahmed Fahad Al-Sabah wuxuuna soo bandhigay waxqabadkii nururkan tan iyo markii loo doortay xilkan oo runtii ah mid aad ugu talaabsaday horumar dhinacyo badan leh waxaana ay dhamaan ka soo qaybgalayaashii kulankani isku raaceen inta badan balanqaadyadii guddoomiyaha markii uu doorashada gelayey uu dhamaystiray ama ay meel fiican marayaan. Waxaa mudadii labada cisho ahayd ee uu kulan waynahani socday ayaa waxaa halkaasi lagu dhamaystiray isla markaana lagu ansixiyey dib u habayn lagu samaynayey dastuurka ururka (Association of National Olympic Committees), waxaa sidoo kale lagu ansixiyey qaabka horumarineed ee ururka iyo ayadoo ugu dambayntii warbixino laga dhagaystay magaalooyinka mertigelinaya kulamada olimbikada kala gedisan ee dunida kuwaasoo kala ah: Sochi (Winter Olympic Games 2014) Nanjing (Youth Olympic Games 2014) Reo de Jenario (Olympic Games 2016) Lillehammer (Youth Olympic Games 2016) Pyeon Chang (Winter Olympic Games 2018) Waxaa ayaguna soo bandhigay qorshahooda ku aadan martigelinta tartanka cayaaraha Olimbikada adduunka ee sanadka 2020 magaalooyinka Istanbul, Madrid iyo Tokyo. Kulankaasi oo ay guddiga Olimbikada Soomaaliyeed uga qaybgaleen guddoomiyaha iyo xogyahay guddiga mudane C/Laahi Axmed Tarabi iyo Duraan Axmed Faarax ayaa gunaanadkii ku soo gabagaboobay jawi aad u sareeya aydoo lagu balmay kulamada soo socda oo ka kala dhici doona dalalka Thailand, USA iyo Brasil haddii laha awooda lihi ogolaado.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.