Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo kulan la qaadatay Xiriirka Kubadda Kolayga Adduunka (FIBA).

0
Saturday June 22, 2013 - 14:34:24 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo kulan la qaadatay Xiriirka Kubadda Kolayga Adduunka (FIBA).

    Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ay wehliso madaxa mashaariicda Horumarineed ee GOS Deeqa Xuseen ayaa xarunta cusub ee Xiriirka Kubadda Kolayga Adduunka ee magaalada Lausanne kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda xiriirkaasi FIBA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ay wehliso madaxa mashaariicda Horumarineed ee GOS Deeqa Xuseen ayaa xarunta cusub ee Xiriirka Kubadda Kolayga Adduunka ee magaalada Lausanne kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda xiriirkaasi FIBA. Kulankan oo ahaa mid aad muhiim ugu ahaa horumarinta sport ga dalka Guddiga Olimbikada Soomaaliyeedna asagoo ka duulaya xilka guud ee ka saaran sport ga dalka iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Xiriirka Kubadda KolaygaAdduunka kana faaiidaysanayey fursaddaasi dahabiga ahayd ayaa waxaalooga hadlay sidii FIBA ay uga qeyb qaadan laheyd harumarinta iyo dib udhiska sportiga Somaliyeed gaar ahaan kubbadda koleyga. Xoghayaha guud ee GOS mudane Duran ayaahay'adda ugu saraysa kubadda kolayga dunida eeFiba kala hadlay iney dawr muhiima ka qaadato dib u dhiska sportiga maadaama uu dalka Somaliyana xiliganku jiro xaalad oo dib ugu soo laabanaayo saaxada sportga,wuxuuna warbixin dhinacyo badan taabanaysay ka siiyey horumarka nabadgelyada dalkaasagoo dhinaca kaena xasuusiyey madaxdaasi in sportiguyahay waxyaabaha bulshada is dhexgalkeeda iyo nabadeyntaba qeyb weyn ka qaadan kara.Xoghayaha ayaasidookale wuxuu la wadaagay in kubbadda koleygu tahay mid kamida noocyada sportigaay somalidu ku wanaagsan tahay dalkana aad looga jecel yahay isla markaana uu xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliyeed heer aad u wanaagsan uga jiray qaaradda iyo dalalka islaamkaba ka hor burburkii dalka. " Waxaan ku faanaynaa in Somalia ka gashay dunida meelaha ugu sareeya dhinaca kubadda kolayga maadaama uu ciyaaryahan Somaliyeed Faysal Aden uu heysto record-ka addunka ee dhibco la dhaliyo cayaar caalami ah ka dib markii uu ka dhaliyey Rwanda 59 dhibcood Bishii Janaayo ee sannadkaan" ayuu yiri Duraan oo muujinayey sida ay Soomaalidu ugu wanaagsan tahay kubadda kolayga haddii la taageerana ay wax badan ku soo kordhin karaan.Waxaa kaloo la isla soo qaaday siyaabaha ay Somaliya u istcmaali karaan cayaartoyda Somaliyeed ee dibadda ku nool iyadoo FIBA ay leedahay sharci aad u adag oo ku aaddan arinkaas, falaqeyn dheer ka dib labada dhinac si wanaagsan ayey isula garteen qaabka ugu wanaagsan oo cayaartoydaas looga faaideysan karo iyo in talooyin iyo wada tashiba ay had iyo goor wadaagaasn labadn dhinac. Fiba dhankooda waxay amaan ballaaran u soo jeediyeen GOS iyo xiriirka Somaliyeed ee kubbadda koleyga sida ay ugu dadaalaayaan horumarka sportiga dalkooda iyagoo weliba ku shaqeynaaya marxalad adag, waxayna ballan qaadeen iney si wanaaagsan ula shaqeynaayaan xiriirka, kana caawin doonaan dhanka tababarada dhankafarsamada iyo maamulkaba, qalabka kala duwan iyo sidoo kale iney diiwaan galiyaan macalimiinta Somaliyeed ee haysata shahaadooyinka caalamiga iney ka mid noqdaan macalimiinta ka diiwaan gashan FIBA oo bixin kara tababarada caalamigaa. Wafdiga Somaliyeed oo kulankan ka qaybgalay ayaa ka koobnaa Xoghayaha GOS Duran Farah iyo madaxa mashaariicda horumarinta ee GOS Ms. Deqa Hessein halka dhanka FIBA na ay goobjoog ka ahaayeenmadaxa mashaaricda horumarinta FIBA Zoran Radovic iyo kaaliyihisa Floran Pasquet.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.