Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ciyaaro iyo fantasiyo ku maamuusay maalinta Olympic Day + Sawiro

0
Tuesday June 25, 2013 - 00:52:22 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ciyaaro iyo fantasiyo ku maamuusay maalinta Olympic Day + Sawiro

    Gudiga Olompikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa ciyaaro iyo fantasiyo ku maamuusay munaasabadda maalinta olympicada aduunka ee (Olympic Day) oo ku began 23-June,taasi oo ka dhacday xarunta Daljirka dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudiga Olompikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa ciyaaro iyo fantasiyo ku maamuusay munaasabadda maalinta olympicada aduunka ee (Olympic Day) oo ku began 23-June,taasi oo ka dhacday xarunta Daljirka dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

Munaasabaddan ayaa waxaa kazoo qeybgalay Masuuliyiinta Gudiga Olombikadda Soomaaliyeed ee GOS,madaxda xiriirada qaarkood,Madaxda Olombikada degmooyinka Gobolka banaadir,Gudoomiyaha Maamulka Gobolka banaadir,Ciyaartooy,taageerayaal,fanaaniin iyo bahda saxaafadda oo aan u kala harin daawashada fantasiyahaasi 23 June (Olympic Day)

Tartamo orodo iyo xarig jiid, Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, tartamo Karate iyo Tekwando,ciyaarta kabeebeyda iyo fantasiyo kale ayaa lagu soo bandhigey halkaasi iyadoo kooxo gabdho iyo wiilalba leh, oo ay ku jireen ciyaartoyda heerka 1-aad iyo kuwa da’yarta ee dugsiyada ay ku tartamayeen Orodka oo laga soo bilaabay Baar Fiat ilaa Daljirka.

Xoghayaha Gudiga olombikada soomaaliyeed Duraan Axmed Farax ayaa sheegay in Gudiga iyo xiriiradiisa ka go’antahay in si wadajira looga shaqeeyo kor u qaadista sportiga dalka isagoo si weeyn ugu mahadceliyey Jaamacadda Muqdisho University oo gacan weyn ka geeysatay munaasabadda,iyo sidoo kale madaxda xiriirada oo iyaguna isku howlay qabashada iyo ka qeybgalka munaasabadaasi oo caalamka oo idil looga dabaal-degayo.

Gudoomiyaha maamulka G/banaadir,Ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo kamid ahaa ciyaaryahanadii dalka caanka ka ahaa, ayaa isaga oo aad u faraxsan halkaasi ka jeediyey qudbad uu ku amaanay dhamaan bahda ciyaaraha gaar ahaan Gudiga Olombikadda iyo xiriirada hoos taga oo mar kasta isku howla dhiiri gelinta iyo qabashada tartamada noocan oo kale ah.

Gebo gabadii waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino kala duwan, iyo shahaaddada Gudiiga Olombikada Aduunka IOC oo la gudoonsiiyey ciyaartoyda kaalimaha ka galey tartamadii dhacay..

C/xafiid C/samad Zaciimka

Zaciimka02@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.