Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Magaalada Bounes Aires oo loo doortay martigelinta cayaaraha Olimbikada ee dhalinyarada.

0
Friday July 05, 2013 - 02:33:40 in Wararka Dibadda by Super Admin
  • Visits: 2792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Bounes Aires oo loo doortay martigelinta cayaaraha Olimbikada ee dhalinyarada.

    Kulan aan caadi ahayn oo maanta ka dhacay xarunta Guddiga Olimbikada Adduunka ee magaalada Lausanne ayaa uu guddoomiyaha GOA waxa uu uga dhawaaqay in magaalada Bounes Aires ee dalka Argentineloogu doortay in ay martigeliso tartanka dhalinyarada cayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan aan caadi ahayn oo maanta ka dhacay xarunta Guddiga Olimbikada Adduunka ee magaalada Lausanne ayaa uu guddoomiyaha GOA waxa uu uga dhawaaqay in magaalada Bounes Aires ee dalka Argentineloogu doortay in ay martigeliso tartanka dhalinyarada cayaaraha olimbikada ee sanadka 2018.

Doorashadan oo ay magaalada Bounes Aires uga guulaysatay magaalooyinka Glasgow (Boqortooyada Ingiriiska) iyo magaalada Medellin ee dalka Colombia ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha Guddiga Olimbikada Adduunka ayadoo ka hor intii aan codadka la soo gudbina ay magaalooyinkani middiiba 15 daqiiqadood ku soo gudbisay warbixno kooban oo ay ku dalbanayaan in loo doorto martigelinta cayaarahan ayadoo ay dabasocdeen su’aalo la waydiinayey magaalooyinkan.

Guddiga qiimaynta ee GOA ayaa ayaguna halkaasi ka soo jeediyey warbixno ku saabsan magaalooyinkii soo dalbaday martigelinta cayaarahan iyo sidii ay usoo kala reebeen. Guddiga ayaa sheegay in dalabaadka in la soo gudbiyo la shaaciyey sanadkii 2011 kii ayadoo ay lix magaalo soo gudbiyeen codsiga martigelinta ayna isugu soo hareen saddexdan magaalo.

“Waxaan u codaynay saddex magaalo oo soo gudbiyey codsiyo ay ku muujinayaan sida ay diyaarka ugu yihiin martigelinta cayaaraha dhalinyarada ee 2018 ka waxaana ugu hambalyeynayaa magaalada Bounes Aires iyo guddigeeda dalabka cayaarahaba guushan ay gaareen waxaanan filayaa in ay sii balaarin doonaan guulihii tartamadii Singapore 2010 iyo Nanjing 2014” ayuu yiri guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Adduunka Jaques Rogge

Cayaarahan oo noqon doona tartankii saddexaad ee GOA u qabto dhalinyarada adduunka ayaa waxaa kuwooda labaad ay ka dhici doonaan magaalada Nanjing ee dalka Shiinaha bisha August ee sanadka 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2025     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.