Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ka qeybgashey shirweynihii ANOCA oo lagu doortey Gudoon cusub + sawiro

0
Sunday July 14, 2013 - 04:29:47 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qeybgashey shirweynihii ANOCA oo lagu doortey Gudoon cusub + sawiro

    Shirweynihii Guddiga Olombikada qaramada Africa ayaa lagu qabtey magaalada Abidjan ee xarunta dalka Ivory Coast,iyadoo madaxda gudiga olombikada soomaaliyeed ee GOS ay ka qeybgaleen shirweynahaasi oo socdey mudo labo maalin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynihii Guddiga Olombikada qaramada Africa ayaa lagu qabtey magaalada Abidjan ee xarunta dalka Ivory Coast,iyadoo madaxda gudiga olombikada soomaaliyeed ee GOS ay ka qeybgaleen shirweynahaasi oo socdey mudo labo maalin. Shirweynaha oo ay usoo xaadireen dhamaan wadamada ku jira ANOCA ayaa waxaa looga doodey arimihii iyo horumarinadii la tiigsadey mudadii afarta sano ee lasoo dhaafey,iyadoo warbixino kala duwan laga soo jeediyey. Qeybaha kala duwan ee laga dhegeystay warbixinada ayaa waxaa kamid ah ANOC, Olympic Solidarity, OlympAfrica foundation, Sport and environment, Women and sport, World Anti Doping Agency, sidoo kale Gaborone (Botswana) iyo Nanjing (China) oo kala martigalinaaya tartanka dhalinyarada Afrika iyo kan adduunka 2014. Waxaa sidoo kale warbixino jeediyey masuuliyiinka Olyampicada ee Brazil,maadaama ayRio De Jineromarti galineyso tartanka Olympicada 2016 iyo sidoo kale masuuliyiinta Olyampicada magaalooyinkaIstanbul iyo Madrid oo ku tartamaaya marti galinta Olympicada 2020. Gudoomiyaha GOSC/laahi Axmed Tarabi iyo XoghayahiisaDuraan Ahmed Faarax ayaa halkaasi kasoo jeediyey howlaha gudiga olombikada soomaaliya ka qabtay gudaha dalkooda,iyadoo marxalad adag lagu gudajirey,waxaana ay halkaasi ka kasbadeen sacab iyo soo dhoweyn balaaran,iyadoo kulamo gaar-gaar ah la yeesheen madaxdii halkaasi joogtey qaarkood,oo ay kala hadleen sidii gudiga Olombikada Soomaaliya gacan loogu siin lahaa dadaalka horumarineed ee ciyaaraha dalka. Warbixinada kadib ayaa waxaa la gudogaley doorashadii guddiga maamuli doona ururka 4ta sano ee soo socota waxaana dhinaca Gudoomiyenimada loo doortey, general Plenfooo u dhashey wadanka Ivory Coast,mana jirin cid la tartantey. Ku-xigeenka 1-aad ayaa waxaa u tartamay mustafa Berraf oo Algeria ah iyo Mr Aggrey oh oo u dhashey dalka Tchad,waxaana ku guuleystay Mustafa Berraf,sidoo kale ku xigeenka 2-aad ayaa waxaa ku guuleystayJoao Da Costa oo kasoo jeeda Sao tome,wuxuuna ka qaaday Mr Reddy oo South Africa ah, ku-xigeenka 3-aad wuxuu noqdeyphilippe Ha Shun oo u dhashay Mauritius wuxuuna quusiyey Gilbert oo Central Africa iyo Mamadou Talata oo u dhashey Niger,Ku-xigeenka 4-aad ayaa waxaa ku wada dagaalamayMadla oo Lesotho u dhalatay,Phophinaoo Rwanda iyo Nadia Cruz oo u dhalatayAngola,waxaa halkaasi booska ku heshay gabadha reer Lesotho ee Madla. Laakiin dagaalka ugu weynaa wuxuu ahaa booska Xoghayaha guud ee ANOCAwaxaa ku tartamay Tomy Sithole ooZimbabwe iyo Khaled zeindinEgypt u dhashey,waxaana wareega hore labadooduba ay heleen min 25 cod, wareeggii 2aad ayaase cod lagu kala baxay markii Tommy sithole oo Zimbabwean ah uu helay 26, khaledna 24 cod,xisaabiyaha guud ayaa waxaa noqdayGumel oo Nigeria u dhashey. C/xafiid C/samad Zaciimka Zaciimka02@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.