Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddoomiyaha GOS oo kulan la qaatay guddoomiyaha Olimbikada Carabta.

0
Tuesday July 23, 2013 - 12:42:18 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha GOS oo kulan la qaatay guddoomiyaha Olimbikada Carabta.

    Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed C/Laahi axmed Tarabi oo uu wehliyo madaxa xiriirka carabta ee GOS Cumar C/Qaadir Baarajab ayaa kulan aad xasaasi u ahaa la qaatay guddoomiyaha guddiga olimbikada carabta iyo kan sucuudiga HRH Prince Nawaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed C/Laahi axmed Tarabi oo uu wehliyo madaxa xiriirka carabta ee GOS Cumar C/Qaadir Baarajab ayaa kulan aad xasaasi u ahaa la qaatay guddoomiyaha guddiga olimbikada carabta iyo kan sucuudiga HRH Prince Nawaf Bin Faisal Al Saud xili ay ka qaybgalayeen kulanka ururka olimbikada carabta ee ka dhacaya dalka Sacuudiga.

Kulankan ayey madaxda GOS uga warbixiyeen madaxa olimbikada carabta dadaalka ay GOS ugu jirto dib u kaabidda hay’adihii sport ga dalka iyo waliba sare u qaadida tayada cayartoyda Soomaaliyeed waxayna uga mahadceliyeen dawladda Sacuudiga guud ahaan gaar ahaan olimbikada sacuudiga taageerada ay had iyo goor la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha GOS ayaa dhinaca kale kala hadlay amiirkan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dib u dhiska dalkeena guud ahaan gaar ahaana dadaalka ay GOS wado ayna uga taageeri lahaayeen dhinacyada horumarinta sport ga iyo sidii ay Soomaliya uga muuqan lahayd tartamada caalamiga ah.

Amiirka ayaa dhinaciisa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo walaalihiisa Soomaaliyeed isla markaana ku amaanay GOS hawsha baaxadda leh ee ay ka wadaan gudaha dalka ayagoo ku shaqaynaya daruufo adag wuxuuna balan qaaday in ay kaalintooda ka qaadan doonaan gacana ka gaysan doonaan sidii GOS u gaari lahayd hadafkooda.

Kulanka madaxda guddiyada olimbikada ee dalalka carabta oo muddo laba cisho ah ka socday dalkaasi Sacuudiga loogana hadlay sidii dalalka carabtu isaga kaashan lahaayeen sare u qaadida sport gooda guud ahaan ayaa ay mudadii ay ka qaybgalayeen madaxda GOS waxa ay si gooni gooni ah ula kulmaeen saaxiibadooda carbeed ayadoo kulamadaasina ku dhamaadeen si is afgarad ah.

Tan iyo markii bishii Janaayo lagu doortay magaalada Mogadishu ayaa GOS iyo hogaankoodu waxa ay wadeen qorshe ay dib ugu soo celinayaaan xiriiradii caalamka ee saaxiibadii Soomaaliya taasoo qayb muhiim ah ka ah qorshe hawleedka GOS waxaana ay dib u dhiska iyo dib u hagaajinta xiriirada caalamiga ahi wax badan ka tari doonaan horusocodka GOS iyo xiriirada hoos yimaada intaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.