Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxda Olombikada oo qalab ku wareejiyey Xiriirka Kubadda Koleyga

0
Monday August 05, 2013 - 12:07:57 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Olombikada oo qalab ku wareejiyey Xiriirka Kubadda Koleyga

    Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa Qalab Sport gaar ahaan Kubaddo iyo sidoo kale saacado casri ah oo loogu talagalay xisaabinta Score-ka goolasha gudoonsiiyey Xiriirka Kubadda Koleyga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS ayaa Qalab Sport gaar ahaan Kubaddo iyo sidoo kale saacado casri ah oo loogu talagalay xisaabinta Score-ka goolasha gudoonsiiyey Xiriirka Kubadda Koleyga. Xafladii qalabkaasi lagu gudoonsiinayey XSKK oo ka dhacdey xafiiska Gudiga Olombikada ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog u ahaa madaxda sare ee Olombikada gaar ahaan Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi, Xogahayaha GOS Duraan Axmed Faarax iyo Gudoomiyaha XKG Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) waxaana qalabka gudoomay gudoomiyaha XKK C/Laahi Nuur Maxamed Cadaani. Xoghayaha GOS Duran Farah oo halkaasi ka Hadley ayaa sheegay in Gudiga Olombikada ay sharaf weyn u tahay in qalab Kubaddo iyo saacado ay gudoonsiiyaan XKK,isagoo xusey in qalabkaasi uu yahay mid si hordhac ah ay xiriirka Kubadda Koleyga ee Africa ugu soo deeqeen XSKK iyaguna ay soo gaarsiiyeen. "Qalabkan oo aan filayo inuu muhiimad gaar ah u leeyahay KK waxaanu ka keenay dalka Ivory Coast oo aniga iyo Gudoomiyuhu uga qeybgalney shirweynihii FIBA Africa waxayna inoo sheegeen inuu yahay horudhac oo keliya"ayuu raaciyey Mr Farah. Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi ayaa isaguna hadal uu jeediyey wuxuu aad u amaaney XSKK isagoo kula dardaarmey iney qalabkaasi ku shaqeeyaan inkastoo aysan dabooli Karin baahida xiriirika hadana waxaa la doonayaa inaad isku cel celisaan ayuu raaciyey. C/laahi Nur Maxamed (Cadaani) oo ah Gudoomiyaha XKK ayaa ugu danbeyntii si weeyn ugu mahadceliyey Madaxda Gudiga Olombikada GOS iyo sidoo kale XKK ee qaaradda Africa ee qalabkaasi soo dhiibey,isagoo balan qaadey in qalabkaasi lagu arki doono tartamada ugu horeeya ee XKK uu qabanayo. C/Xafiid C/samad Zaciimka Zaciimka02@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.