Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxda GOS oo booqatay dhismaha xarunta cusub ee GOS.

0
Thursday August 15, 2013 - 12:56:20 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda GOS oo booqatay dhismaha xarunta cusub ee GOS.

    Guddoomiyaha GOS C/Laahi axmed Tarabi iyo xubno ka mid ah madaxda sare ee Guddiga OS ayaa booqday xarunta cusub ee loo dhisayo GOS si ay ugu kuur galaan heerka uu marayo dhismahaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha GOS C/Laahi axmed Tarabi iyo xubno ka mid ah madaxda sare ee Guddiga OS ayaa booqday xarunta cusub ee loo dhisayo GOS si ay ugu kuur galaan heerka uu marayo dhismahaasi. Guddoomiyaha oo ay wehliyeen xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax, Guddoomiyaha XS ee Feerka Xaaji Colow, guddoomiyaha ururka midaynta qurbajogta sportga Axmed Nuur Maxamed Xaashi (Sayga), wasiirka sportga ee maamul goboleedka Gal-Mudug Saadaq Mire iyo madaxa sportga ee Gal-Mudug ayaa waxa ay soo kormeereen dhismahaasi cusub oo markii uGu horeysay taariikhda GOS loo dhisayo si ay uGu fuliyaan hawl-maalmeedkooda. Dhismahan oo ay hirgelinteeda ka qaybqaateen Guddiga Olimbikada Adduunka, Olympic Solidarity iyo wasaaradda arimaha bulshada ee dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa in uu qayb libaax ka qaato hawlaha horumarineed ee dalka isla markaana wax wayn ka tari doono isku-xirka iyo wada shaqaynta GOS, xiriirada hoos yimaada GOS iyo waliba hay'adaha kale ee ku shaqada leh dhalinyarada iyo sport ga, sida uu sheegay xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax. Qaybta hore ee dhismahan taariikhiga ah oo ka kooban xafiisyo yo qolalka shirarka ayaa la filayaa in la soo afjaro bishan aynu ku jirno 28 keeda ayadoowajiga dambe ee dhismahanina uu bilaaban doono dhamaadka wajiga hore. Dhaqdhaqaaqa iyo horumarka ay samaynayaan GOS tan iyo markii la soo doortay maamulkan cusub ayaa ah mid ay si wayn u soo dhawaynayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda sport ga jecel waxayna aadu soo dhawaynayaan talaabooyinkan horumarka leh ee ay ku talaabsadeen mudadan gaaban ee ay xafiiska joogeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.