Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo goolal casri ah ku wareejisay XSK Kolayga.

0
Thursday August 15, 2013 - 13:02:08 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo goolal casri ah ku wareejisay XSK Kolayga.

    Madaxda guddiga Olympicada Somaliyeed ee GOS ayaa qalab muhiim u ah ciyaarta Kubadda koleyga gaar ahaan goolal casri ah ku wareejiyey XSKK,iyadoo wareejintaasi oo ka dhacdey gudaha garoonka kubadda koleyga ee 1-da luulyo (Ex-lugino) ay goob joog ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda guddiga Olympicada Somaliyeed ee GOS ayaa qalab muhiim u ah ciyaarta Kubadda koleyga gaar ahaan goolal casri ah ku wareejiyey XSKK,iyadoo wareejintaasi oo ka dhacdey gudaha garoonka kubadda koleyga ee 1-da luulyo (Ex-lugino) ay goob joog ka ahaayeen qaar katirsan madaxda xiriirada iyo ciyaaryahano hore.

Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi,Xoghayaha guud ee GOS Duraan Axmed Faarax,GXSKG Maxamed Xuurshe Eenow,GXSF Qabiir sare Xaaji Maxamed Axmed Colow,GXSKK C/laahi Nuur M Cadaani,Kaaliyaha XXSKK Cabdi Cabdulle Baasaale,Agaasimaha waaxda sportiga Saacid Axmed Baariyow,Ciyaaryahanad hore Mulki Nuur Mudey iyo dad kale ayaana goob jog u ahayd garoonka lagu wareejinayey goolashaa casriga ah.

Xoghayaha GOS Duraan Faarax oo ugu horeyn goobta ka Hadley ayaa sheegay in Goolashaasi casriga ah ee XSKK ku wareejiyeen ay tahay markii ugu horeysey ee taariikhda goolal casri ah la dhigo garoonka isagoo xusey inay qeyb ka tahay dadaalka ay GOS ku dooneyso horumarinta sportiga dalka.

“Dhowaan waxaan XSKK ku wareejiney sidaan o kale Kubaddo iyo saacadda dhibco xisaabinta oo casriya,waxaan rajeynayaa in qalabkaa iyo quruxda garoonka 1-da Luulyo ay nasiib balaaran u helayaan ciyaartoyda iyo kooxaha ka qeybgalaya koobka Jeneraal daa’uud ee furmaya” sidaasi waxa yiri xoghaye Duran.

Waxaa uu aad u amaaney XSKK gudoonkiisii oo markii 26-kii May ee lasoo doortey ilaa iminka qabtay howlo aad loogu riyaaqo oo kaabaya horu-marinta ciyaaraha dalka,taasi oo in lagu deydo mudan sida uu yiri xoghayuhu.

Gudoomiyaha XSKK C/laahi Nuur Maxed ( Cadaani) oo qalabkaasi si rasmi ah ula wareegay ayaa si weyn ugu mahadceliyey Madaxda GOS kaalinta taakuleynta ah ee ay siinayaan XKK,isagoo hosta ka xariiqey in isbedel weyn la filayaan Ciyaarta Kubadda Koleyga dalka maadaama la helayo inta badan agabyadii lagama-maar maanka ahaa.

Gudoomiyaha ayaa fariin u direy maamulka Gobolka banaadir isagoo ka codsadey inay garoonka ku xiraan nalalka solar-ka ah si habeenkii loogu ciyaari halkaasi,maadaama Kubadda koleyga habeenkii aad loo ciyaari jirey.

Gudiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS oo afarta sano ee soo socota xilkaasi loo doortey ayaa dhankooda wada isbedelo iyo dadaal xoogan oo ay ku hor-marinayaan ciyaaraha kala duwan ee dalka,iyadoo la ogyahay marxaladii adkeyd ee dalka uu ku jirey mudadii burburka taasoo GOS ay ahayd keliya hey’adda CALANKII Somaliya ka muujineysay fagaarayaasha caalamka ee leysugu yimaado hadey ahan lahayn tartamo ama shirar sport caalami ah.



C/xafiid C/samad zaciimka

zaciimka02@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.