Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olombikada oo soo xirey seminaar hal sano socdey oo lagu bixiyey Shahaado caalami ah + sawiro

0
Saturday August 31, 2013 - 15:01:53 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olombikada oo soo xirey seminaar hal sano socdey oo lagu bixiyey Shahaado caalami ah + sawiro

    Xaflad balaaran oo lagu soo xirayey Seminaar dhinaca Maamulka Olympikada ah ayaa lagu qabtay hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay kazoo qeybgaleen Madax ka socota Wasaaradda Adeega Bulshada,Agaasimayaal,Bahda GOS iyo saxaafadda dhinaca spor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad balaaran oo lagu soo xirayey Seminaar dhinaca Maamulka Olympikada ah ayaa lagu qabtay hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay kazoo qeybgaleen Madax ka socota Wasaaradda Adeega Bulshada,Agaasimayaal,Bahda GOS iyo saxaafadda dhinaca sportiga. Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax isagoo sharaxay seminaarkaasi ay ka qeybgaleen markii ugu horeysay ilaa 20 khabiiro ka kala socdey Maamulada Xiriirada, iyo Ardeyda Jaamacadaha qaar,iyadoo casharada halkaasi laga bixinayey ay ahaayeen aqoon sare oo loo tagayey wadamada dibadda,laakiin GOS oo gacan ka heleysa Olympic Solidarity ay ku qabatay gudaha dalka. "Anigoo ka faaideysanaya fursadaan waxaan aad ugu mahadcelinayaa ka qeybgalayaasha ka sokoow,Macalimiintii mudada sanadka bixineysay casharada,sidoo kale gudiga Olombikada caalamiga ah,gaar ahaan Olympic Solidarity" ayuu yiri Duraan. Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi ayaa sidoo kale sheegay in ka qeybgalayaasha ay nasiib u leeyihiin inay maanta noqon karaan Maamulayaal dhinaca ciyaaraha ah,maadaama ay qaateen duruus dhinacyo kala duwan leh, halkaan kuma ekaan doono waanu qaban doonaa qeybo kale,ayuu yiri isagoo u mahadceliyey wasaaradda adeega bulshada DF iyo macalimiinta u dhabar adeegay bixinta casharada. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye oo ugu dambeyntii xafladaasi soo xirey ayaa waxaa uu si weyn u amaanay Gudiga Olombikada Soomaaliyeed dadaalka muuqda ee ay ka wadaan horumarinta Ciyaaraha xagga tartamada,iyo aqoontaba. "Waxay ii tahay farxad aad u weeyn inaan manta halkaan kusoo xiro seminaarkaan,anigoo rajeeynaya in ka qeybgalayaasha ay uga faaideyn doonaan wixii aqoon ah jiilka kale ee soo koraya wasaaraduna gacan weyn ayey ka geeysaanaysaa dadaalkiina aad ku hour-marineysaan sportiga"ayuu ku soo gabogabeeyey. Madax ka tirsan Olympic solidarity oo ku sugan xarunta Gudiga Olympikada caalamka ayaa khadka Telefoonka ugu soo hambalyeeyey dhamaan ka qeybgalayaasha iyo madaxda wasaaradda iyo GOS ee xafladaa ku sugneyd,iyadoo halkaasi lagu bixiyey shahaado caalami ah oo la gudoonsiiyey ilaa 12-kii ruux ee sida rasmiga u dhameystey koorsadaasi. C/xafiid C/samad Zaciimka Zaciimka02@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.