Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa tartanka cayaaraha Islaamka.+Sawiro

0
Monday September 23, 2013 - 23:01:13 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qaybgalaysa tartanka cayaaraha Islaamka.+Sawiro

    Tartanka cayaaraha Islaamka (Islamic Solidarity Games) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Jakarta ee dalka Indonesia waxaana dalka Soomaaliya uga qaybgalaya wafdi ka kooban cayaartoy iyo madax maadaama ay xubin buuxda ka yihiin dalalka ku jira uru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka cayaaraha Islaamka (Islamic Solidarity Games) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Jakarta ee dalka Indonesia waxaana dalka Soomaaliya uga qaybgalaya wafdi ka kooban cayaartoy iyo madax maadaama ay xubin buuxda ka yihiin dalalka ku jira ururka Islaamka.

Saddex cayaartoy oo ku tartamaysa magaca xulka qaranka soomaaliyeed ee cayaarta Takeawondo ga kana yimid dalka Switzerland iyo cayaaryahan ka qaybgali doona tartanka orodka 500M ayaa dalkeena ku matalaya cayaarahaasi ayadoo uu wafdigana hogaaminayo madaxa xiriirka dalalka carabta iyo islaamka ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Cumar C/Qaadir Baarajab.

Maxamed-Deeq Cabdulle, Faysal Jaylaani Aways iyo Samiira Ismaaciil ayaa dalkeena ku matali doona cayaaraha Taekwondo ga oo ay u leeyihiinxirfad aad u saraysa isla markaana ay horey magaca dalkooda ugu guulaysteen bilado waxaana la filayaa in ay wacdaro ka dhigi doonaan cayaarahan.

Dhinaca cayaaraha fudud ayaa waxaa tartankan dalkeena ku matalaya orodyahan da’yar oo lagu magacaabo C/Laahi Kuulow ordana orodka 5000m waxaana uu gudaha dalka ku sameeyey waqti wanaagsan waxaana sidoo kale laga filayaa orodyahankan guul sida uu noo sheegay madaxa wafdiga Cumar Baarajab.

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo ka jawaabaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ayaa xil iyo dadaal badan ku bixiyey sidii ay cayaartoy Soomaaliyeed oo guulo ka keeni kara tartamadan ugu diri lahaayeen waxaana aytaasi caddaynaysaa dadaalka faraha badan ee ay GOS ugu jirto sidii dalkeenu dib ugu hanan lahaa magacii iyo sharaftii uu ku dhex lahaa bulshada sport ga caalamka gaar ahaan kuwa Islaamka iyo Carabta oo aan aad uga dhexmuuqan jirnay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.