Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Gudiga fulinta ee GOS oo Muqdisho ku yeeshey shir looga hadlay arimo muhiim u ah ciyaaraha dalka.

0
Monday October 21, 2013 - 17:21:21 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudiga fulinta ee GOS oo Muqdisho ku yeeshey shir looga hadlay arimo muhiim u ah ciyaaraha dalka.

    Gudiga fulinta ee Olombikada Soomaaliya ayaa hotelka Shamow ee Muqdisho ku yeeshey kulan balaaran oo looga hadlay arimaha horumarinta dhinacyada kala duwan ee ciyaaraha dalka iyo ka qeybgalka tartamo iyo shirar ka dhacay dalka dibadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudiga fulinta ee Olombikada Soomaaliya ayaa hotelka Shamow ee Muqdisho ku yeeshey kulan balaaran oo looga hadlay arimaha horumarinta dhinacyada kala duwan ee ciyaaraha dalka iyo ka qeybgalka tartamo iyo shirar ka dhacay dalka dibadiisa.

Shirka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabiayaa warbixino looga dhagaystey xoghayaha Olympikada Duraan AxmedFaarax oo sharaxaad ka bixiyey howlihii dalka dibadiisa ee GOS ay
qabatay bishii December isagoo soo hadal qaadey ka qeybgalka shirar ka dhacay dalal ay kamid tahay RUWANDA,iyo ciyaarihii dalalka carabta eeIndonesia oo ay ka qeybgaleen wafdi iyo ciyaartoy uu hogaaminayeymadaxa arimaha carabta ee GOS Cumar Baarajab.



Sidoo kale shirka ayaa waxaa warbixino looga dhagaystey qaar ka tirsangudoomiyayaasha zone-ka oo iyaguna goob joog u ahaa,waxaana ay kawarbixiyeen howlaha dhinaca ciyaaraha ee gobolada ay wakiilka ugayihiin GOS.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi lagu go’aamiyey in gudiyo loo dirogobolada dalka si halkaasi looga baadi goobo ciyaaryahano dhinacaciyaaraha fudud qeybaheeda kala duwan,maadaama la doonayo in ciyaaraha
olombikada ee 2016-ka Rio de jenero,Somaliya uga qeybgasho noocyo kaladuwan oo ciyaaraha fudud kamid tahay.

Gudiga ayaa soo ururin doona ciyaaryahanada ku wanaagsan ciyaarahafudud kuwaasi oo la keeni doono Muqdisho si ay tababaro ugu qaataan, kadib la kala saari doono oo qeybtii ugu wanaagsan la geyn doono
dalka Ethiopia si ay ugu soo qaataan tababaro buuraha dhaadheer eedalkaasi oo inta badan ciyaaryahanada caalamiga ee ciyaaraha fududtababarka ku qaataan.

SOC media Department



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.