Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Taekwond ga oo booqday Switzerland.

0
Saturday November 02, 2013 - 18:12:17 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Taekwond ga oo booqday Switzerland.

    Guddoomiye ku-xigeenka koowaad isla markaana qaabilsan xiriirka caalamiga ah ee xiriirka Taekwond ga Soomaaliyeed Eng Axmadeey Ciise Kirish ayaa usbuucii tagay booqasho laba maalmood ah ku tagay magaalada Lausanne ee dalka Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad isla markaana qaabilsan xiriirka caalamiga ah ee xiriirka Taekwond ga Soomaaliyeed Eng Axmadeey Ciise Kirish ayaa usbuucii tagay booqasho laba maalmood ah ku tagay magaalada Lausanne ee dalka Switzerland.

Magaalada Lausanne ayaa waxa ay hooy u tahay cayaartoy ka tirsan xulka qaranka Taekwond ga soomaaliyeed iyo macalinkooda kuwaasoo cayaaro caalami ah uga qaybgalay dalal badan oo ka tirsan dunida isla markaana ayagu ku dadaalay sidii ay dalkooda magac ugu soo jiidi lahaayeen.

Eng Axmed oo aan kula kulmay magaalada London ka dib booqashadiisii ayaa waxaan wax ka waydiiyey waxyaabihii ay ku saabsanayd booqashadiisii iyo mustaqbalka xiriirka Taekwond ga ayaa waxa uu ku tilmaamay safar aad qiimo ugu lahaa horumarka xiriirka isla markaana uu kula soo kulmay cayaartoy magac iyo sharafba u soo hooyey dalkeena.

“Sida aad la socotidba dalkeena waxa uu ku jiray burbur muddo badan, mudadaasi dheerna inkastoo uu macalinka wayn ee cayaartan isla markaana ah guddoomiyaha xiriirka Aways Orfeeyo uu dadaal badan ugu jiray soo saaridda cayaartoy tayo leh hadan duruufaha jira awgood uma suuragelin hamigiisii ahaa horumarinta cayaartan gaar ahaan cayaartoy ka qaybgali karta heerka caalamiga ah taasoo caqabadahana ay ka mid ahayd dhaqaaluhu. Nasiib wanaag waxaa xiriirka u suuragashay in uu xiriir la sameeyo jaaliyadaha dibadda gaar ahaan cayaartoy iyo macalin ku nool magaalada aan hadda tagay ee Lausanne kuwaasoo aad u soo dhaweeyey isla markaana ugu dhiiraday sidii ay dalkooda u matali lahaayeen, waxayna ka qaybgaleen cayaaro badan oo qaarkood ay bilado ka soo hooyeen” ayuu yiri Axmadeey Ciise Kirish

Maxaad isla soo qaadeen kulankii aad la kulantay cayaartoyda, side u arkeen kulankaasi maxaadse tiigsanaysaan mustaqbalka ayaan waydiiyey Eng Axmed oo horey uga tirsanaan jiray qurbajooghta Soomaaliyeed gaar ahaan reer London kuwooda ugu firfircoon dhinaca horumarinta dhalinyarada waxa uuna yiri,

“Run ahaantii markii aniga uu guddoomiyaha xiriirku ii magacaabay xilkan bishii February ee sanadkan ilaa iyo hadda waxaan si joogta ula lahayn cayaartoyda xiriir wanaagsan waanan isla soconay xiligan ayayna noqtay in aan waqti u helo in aan kulano, waxaan soo arkay garoonka ay tababarka ku sameeyaan oo ay naga caawiyeen dad badan oo taageera xiriirka oo uu ka mid yahay xiriirka Taekwond ga adduunka oo asagu arkay dadaalka aan ugu jirno horumarinta cayaartan, ka dib waxaan uga mahadceliyey cayaartoyda iyo macalinka dadaalkooda iyo wadaniyadda faraha badan ee ku jirta anigoo sidoo kale u gudbiyey salaam qiima badan oo aan uga siday guddoomiyaha, maamulka iyo cayaartoyda kale ee dalka ku sugan una gudbiyey sida ay raaliga uga yihiin dadaalkooda.”

“Waxaan dhinaca kale kala hadlay horumarka uu xiriirku hiigsanayo iyo sida ugu haboon ee horumarkaasi uu u saamayn karo cayaartoyda dibadda iyo kuwa gudaha ku nool intaba iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn taasoo ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen. Hadda waxaan wadnaa samaynta qorshe hawleedka xiriirka ee sanadka 2014 ka waxaana uu qorshaheenu yahay sidii aan u heli lahayn cayaartoy aad tayo u leh ee aan u diyaarin karno cayaaraha olimbikada ee dunida oo sandka 2016 ka dhacaya dalka Brazil, waxaa sidoo kale qorshaheena ka mid ah in aan cayaartoyda gudaha ku dhaqan oo aan hubo in laga heli karo kuwa wanaagsan u helno tababar iyo qalab casri oo ay ku tababartaan waxaanan filayaa in hawlahaas oo idil ay meel wanaagsan noo marayaan” ayuu sii raaciyey guddoomiye ku xigeenka xiriirka Taekwond ga Soomaaliyeed Eng Axmedeey Ciise oo ugu dambayntii baaq u diray qurbajoogta Soomaaliyeed gaar ahaan cayaartoyda da’da yar ee cayaara cayaartan Taekwond ga in ay la soo xiiraan xiriirka si ay qayb uga noqdaan horumarka uu xiriirku hiigsanayo.

Tan iyo markii ay xasiloonidu dib ugu soo noqotay dalka isla markaana ay bilowdeen horumarka dhinacyada badan ayaa waxaa soo badanayey magacaabidda qubajoogta soomaaliyeed waxaana magacaabidda guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Taekwond ga Eng Axmed Ciise Kirish si aad ah u soo dhaweeyey bahda sport ga UK gaar ahaan kuwa waqooyiga London oo ayagu aqoon wanaagsan u leh kartida iyo aqoonta faraha badan ee uu u leeyahay sport ga waxaana ay ku kalsoon yihiin in xiriirka Taekwond ga uu heer wanaagsan gaari doono magac wayna u soo hoyn doono dalkeena.

Waxaad kala socon kartaa dhaqdhaqaaqa xiriirka Taekwondo ga Soomaaliyeed:

www.somalitaekwondo.com

https://www.facebook.com/Somali.Taekwondo.Official




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.