Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalkii 29aad ee cayaaraha fudud oo garoonka Banaadir lagu soo xiray.

0
Sunday November 03, 2013 - 14:52:17 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalkii 29aad ee cayaaraha fudud oo garoonka Banaadir lagu soo xiray.

    Waxaa garoonka banaadir lagu soo gabo-gabeeyey tartankii horyaalka 29-aad ee ciyaaraha fudud kaasi ootodobaadkii hore ka bilowdey halkaasi. yadoo loo qabtey xaflad gebo gebo ah oo ay ka qeybgaleen inta badan bahda sportiga dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa garoonka banaadir lagu soo gabo-gabeeyey tartankii horyaalka 29-aad ee ciyaaraha fudud kaasi ootodobaadkii hore ka bilowdey halkaasi. yadoo loo qabtey xaflad gebo gebo ah oo ay ka qeybgaleen inta badan bahda sportiga dalka. Tartanka horyaalka 29-aad ee ciyaaraha fudud ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa inku dhow 150 ciyaaryahano oo isugu jira gabdho iyo wiilal metelayey 10-kooxood oou diiwaan gashanxiriirka ciyaaraha fududkuwaasi oo ku tartamayey orodka, 100m, 200m, 400m, 800m, 1500m, 5000m iyo boodada sare iyo qori isku dhiibka iyadoo galab kasta ay u daawasho tagayeen taageeraal badan. Xafladii gabo-gabada tartankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda Gudiga olombikada Soomaaliyeed ee GOS,madaxda xiriirada qaarkood, sida kubadda cagta, k.koleyga ciyaaraha fudud iyo ururka Haweenka Qaranka,iyadoo uu goob jog ka ahaa gudoomiyaha XSCF prof.Maxamed Cali waxaana xaflada ka hor la daawadey noocyadii orodka gaar ahaan kama dambeystii finallka oo lagu tartamay Boodada sare. Qori isku dhiibka,orodka 200m, 800m iyo 5000m oo ah orod dheer oo 12 wareeg iyo bar lagu ordayey garoonka banaadir. Waxaa halkaasi qudbado ku aadan tartanka horyaalka ka soo jeedisey Marwo Khadiijo Aaden Daahir oo ah ku xigeenka xiiriirka ciyaaraha fudud, iyadoo sheegtey dadaalka xiriirkoodu ugu jiro horumarinta ciyaaraha fudud iyo sidii loo heli lahaa ciyaaryahano mustaqbalka guulo ka keena dibadda,waxaana ay xustey in Shirkadda Isgaarsiinta ee Somtel gacan weyn ka geeysatey horyaallkaasi 29-aad. Prof.Maxamed Calli oo ah gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha fudud ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad ku aadan sidii ay hore ugu sii dhaqaajin lahaayeen qeybaha kala duwan ee xiriirka hadii ay noqon lahayn Garsoorka,tababarayaasha iyo xubnaha xiriirka. "Sanadka soo socda waxaan dooneynaa in aqoonta iyo tirade garsoorayaasha xiriirka ciyaaraha fudud ay kordhaan,sidoo kale waxaan ballan qaadeynaa aqoonta dhinaca maamulada,tababarka iyo xubnaha kujira xiriirka aanu kor u qaadno"ayuu yiri prof.Ali Waxaa uu si weeyn ugu mahadceliyey dhamaan bahda xiriirka ee howsha adag ku guda jirtey iyo dhamaan kooxihii iyo ciyaaryahanadii ka qeybgashey horyaalkaasi 29-aad oo aad usoo jiitey qaabkii Asluubta llahayd ee ay u tartamayeen. Xaaji Maxed A.Colow oo katirsan GOS ayaa ugu dambeyntii halkaasi si weeyn ugu mahadceliyey ciyaartoyda tartankaasi ka qeybgashey iyo xiriirka ciyaaraha fudud oo uu ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan qabashada tartamada kala duwan iyo baadi goobka xidigo mustaqbal ku leh ciyaaraha fudud maadaama sanadka 2016 Rio De Jeniero Soomaaliya ka qeybgelli doonto. "Dhabtii waxaan u soo joogey furitaankii tartanka iminkana waxaan joognaa xiritaankii waana ii farxad anigoo idinku waaninaya inaad dadaalkiina halkaan ka sii wadaan" ayuu yiri xaajiga oo ahaa garsoorihii ugu horeeyey ee FIBA u gala dalka Soomaaliya. Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino Lacago,bilado iyo koobab isugu jira oo la gudoonsiiyey ciyaartoy,tababarayaal iyo garsoorayaashii ugu wanaagsanaa horyaalkaasi,iyadoo kooxda HORSEED ay gashey kaalinta 1-aad,halka 2-aad ay xiratey kooxda HEEGAN. C/xafiid C/samed ZaciimkaZaciimka02@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.