Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo ka qaybgashay shirwaynaha horumarinta sport ga haweenka ee Africa iyo Asia.

0
Thursday November 21, 2013 - 16:40:01 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo ka qaybgashay shirwaynaha horumarinta sport ga haweenka ee Africa iyo Asia.

    Madaxa zone ka 1 aad (Puntland) ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed marwo Faadumo Cali nuur ayaa ka qaybgashay shirwayne looga hadlayey horumarinta sport ga haweenka kaasoo qayb ka ahaa shirkii madaxda qaaradaha Africa iyo Asia ee ka dhacay magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa zone ka 1 aad (Puntland) ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed marwo Faadumo Cali nuur ayaa ka qaybgashay shirwayne looga hadlayey horumarinta sport ga haweenka kaasoo qayb ka ahaa shirkii madaxda qaaradaha Africa iyo Asia ee ka dhacay magaalada Kuwait ee dalka Kuwait.

Shirkan ayaa aad loogu lafaguray sidii horumar la taaban karo loo gaarsiin lahaa sport ga haweenka labadan qaaradood taasoo muhiimad gaar ah u leh dhamaan haweenka qaaradahan oo u muuqda kuwa aad uga hooseeya dhinaca sport ga qaaradaha kale.

Faadumo Cali Nuur oo shirkan ku matalaysay Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed oo lagu casuumay shirwaynahan ayaa waxa ay halkaasi ka soo jeedisay warbixino ku saabsan heerka sport ga haweenka Soomaaliyeed oo ay sheegtay in uu dib u dhac aad u wayn ku yimid mudadii dagaalada sokeeyey dalka ka socdeen ayadoo dhinaca kalena tilmaantay in GOS uu qorshe cad ka leeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa sport ga haweenka Soomaaliyeed.

Mudadii ay ku sugnayd Kuwait ayey Faadumo Cali Nuur oo ka mid ah xubnaha guddiga fulinta GOS si gooni gooni ah ula kulantay madaxda dalalka ka soo qaybgalay kulanka iyo waliba kuwa hay’adaha waawayn waxayna kala hadashay sidii ay madaxdaasi uga qaybqaadan lahaayeen caawimaada dib u dhiska guud ahaaneed ee dalkeena oo ka soo kabanaya waqti dheer oo burbur iyo dagaalo ah gaar ahaana horumarinta sport ga haweenka Soomaaliyeed oo ayagu kaalimo aad u sareeya uga jiray tartamadii qaaradahan burburka ka hor.

Madaxa Zone ka 1 aad ee Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Faadumo Cali Nuur ayaa ku tilmaantay shirwaynahan mid mira dhal ah mustaqbalkana ay ka rajaynayso in madaxdii ay kula kulantay halkaasi ka qaybqaadan doonaan dadaalka GOS ugu jirto sidii ay dib ugu soo celin lahayd kaalintii ay dumarka Soomaaliyeed uga jireen sport ga qaaradahan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.