Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xoghayaha GOS oo Puntland kula kulmay madaxda sportga maamulkaasi.

0
Saturday December 14, 2013 - 17:21:56 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha GOS oo Puntland kula kulmay madaxda sportga maamulkaasi.

    Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed faarax oo maalmihii la soo dhaafay safari shaqo ku joogay maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu kulamo ku aadanaa horumarinta sport ga iyo taabagelinta barnaamijka GOS ee gaarsiinta maamulka sp

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed faarax oo maalmihii la soo dhaafay safari shaqo ku joogay maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu kulamo ku aadanaa horumarinta sport ga iyo taabagelinta barnaamijka GOS ee gaarsiinta maamulka sport ga dalka oo dhan la qaatay madaxda sport ga ee Puntland.

Duraan oo kulan magaalada Garowe kula qaatay madaxda cayaaraha kala gedisan ee maamul-goboleedka Puntland ayaa uga warbixiyey heerarkii uu soo maray sport ga dalka iyo heerka uu maanta marayo wuxuuna u faahfaahiyey sida GOS ay uga go’an tahay in ay maamulkeeda sport iyo waxqabadkiisaba gaarsiiso dhamaan gobolada oo idil.

“Anaga GOS ahaan waxaan xilkan u haynaa dhamaan bahda sport ga ee Soomaaliya waxaana waajib nagu ah in aan maamulkaasi gaarsiino dhamaantood inkastoo aanan awood badan u lahayn in aan hal mar wada gaarno waase arin aad muhiim noogu ah isla markaana noogu jirta qorsha-hawleedkeena sanadaha soo socda” ayuu yiri xoghayah GOS oo kulankii wadatashiga ka hadlayey

“Waxaa lama huraan ah in bulsha waliba ama maamul kasta uu asagu waxqabadka sport ga ee ku aadan bilaabo markaas ayuu helayaa caawimo iyo qaybtiisa uga aadan tan dalka guud ahaan marka waxaan idinku guubaabinayaa sida aad ugu istaagteen horumarinta sport ga oo aad hadaba ku hawlantihiin in aad sii kordhisaan anaguna waxaan balan qaadaynaa in aan dhinaceena aan ka soo baxno adinkoo ogsoon xiriirka wanaagsan ee GOS kala dhexeeya Puntland guud ahaan gaar ahaana wasaaradda dhalinyarada iyo sport ga iyo bahda cayaaraha intaba isla markaana aad ku leedihiin xubin firfircoon maamulka GOS” ayuu kula dardaarmay xoghayuhu bahwayntii ka soo qaybgashay kulankaasi.

Intaasi ka dib ayuu xoghaye Duraan waxa uu New Reys Hotel kaga qaybgalay kulan uu wasiirka cayaaraha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle ku magacaabayey maamulada xiriirada kubadda cagta, kolayga iyo cayaaraha fudud ee Puntland kuwaasoo si ku-meel gaar ah u hayn doona xilalkaasi waxaana loo kala magacaabay sidatan:

Xiriirka Kubadda Cagta.


1:Sayid Axmed Maxamed Gudoomiye.
2:Maxamed Maxamuud Xuseen Gudoomiye ku xigeen.
3:C/Nasiir Bedel Khalaf Xoghayaha.


Xiriirka kubadda Kolayga.
1:Maxamed Maxamuud Cali Gudoomiye
2:Khaddar Maxamuud Daahir Xoghayaha.


Xiriirka Ciyaaraha Fudud.
1:Maxamed Maxamuud Axmed Gudoomiye.
2:Ilyaas Cabdi Nuur Gudoomiye ku xigeen.
3:Madina Cabdi Gaab Xoghayaha.

Dhinaca kale xoghayaha GOS ayaa safar la mid ahaa midkan uu ugu kuurgalayey horumarka sport ga waxa uu ku tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug wuxuuna halkaasi uga qaybgalay cayaaro loogu tala galay nabadda oo ay qabanqaabiyeen ururka Galka’o Education Centre for Peace and Development oo ah urur ka shaqeeya horumarinta dhalinyarada iyo nabadda halkaasoo cayaaraha ka dib uu kulamo kula qaatay madaxda ururkaasi iyo hawlwadeenadiisa oo uu ka mid ahaa xiddigii kooxdii Jeenyo iyo LLPP Maxamed Xaaji Uureey waxayna isla soo qaadeen sidii wada shaqayn buuxda ay u dhexmari lahayd labada urur ee GOS iyo GCPD ayadoo kulamadaasina ay ku soo dhamaadeen isafgarad.

Safarada uu xoghaya GOS ku bixinayo gobolada iyo maamulada dalka ayaa qayb ka ah hadafka GOS iyo qorshe-hawleedkiisaba kuwaasoo ay muhiimadda ugu wayn xiligan tahay sidii ay gobolada iyo maamulada dalku u dhisan lahaayeen maamulo sport oo la jaanqaadi kara maamulada xiriirada iyo GO ee dalka si loo soo saaro cayaartoy tayo leh isla markaana looga warheli karo cayaartoydaasi si fudud.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.