Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo magaalada Muqdishu ka furay aqoon-iswaydaarsi.

0
Tuesday December 24, 2013 - 19:28:52 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo magaalada Muqdishu ka furay aqoon-iswaydaarsi.

    Waxaa lagu qabtay magaalada Mogadishu aqoon is waydaarsi ay kasoo qeyb galeen macalimiinta Physical Education (PE) ee iskuulaadka gobolka Banaadir, kuna aadanaa sidii loo dardar galin lahaa sportiga iskuulaadka, loona dhiiri galin lahaa macalimiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu qabtay magaalada Mogadishu aqoon is waydaarsi ay kasoo qeyb galeen macalimiinta Physical Education (PE) ee iskuulaadka gobolka Banaadir, kuna aadanaa sidii loo dardar galin lahaa sportiga iskuulaadka, loona dhiiri galin lahaa macalimiinta hawshaas ka shaqeeya, si loo helo dhalin yaro leh xirfad fiican oo matali kara qaranka Somaliyed tartamada kala duwan uuna ugu soo horeeyo kan Olympicada dhalinyarada ee ka dhici doona Nanjing, China, August 2014. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Olympicada Somaliyeed iyo ururada sportiga oo hoos ku xusan ayaa looga dooday isla markaana lagu daahfuray aqoon iswaydaarsi ay macalimiinta iyo guddiga tababarada ee GOS ka yeelan doonaan sida ugu haboon oo loo taabgelin karo wadashaqayn iyo fikir iswaydaarsi dhex mara. Kulankan ayaa waxaa goob jog ka ahaa 1- Cabdullahi Axmed Tarabi. Guddoomiyaha GOS 2- Duraan Axmed Faarax Xoghayaha GOS 3- Maxamed Xuurshe Xasan, kaaliyaha XGOS 4- Maxamed A Tarabi oo ah madaxa Sportiga Iskuulada ee GOS 5- Dr, Jiya oo ah madaxa caafimaadka Sportiga ee GOS 6- Maxamuud Xaaji Ibraahim (Khalifani) oo ah madaxa guddiga xulista cayartoyda qaranka. Waxaa ugu horeyn ka warbixiyey muhimada mashruucan, waxyaabihii iyo hawlihii ay soo qabteen iyo waliba qorshahooda lagu dardar galinaayo horumarinta sportiga iskuulaadka macalin Maxamed Axmed Tarabi oo ah khabiir aad ugu xeel dheer soo saaridda macalimiin iyo aqoonyahanada sport ga dalka. Xoghayaha GOD Duran Faarax oo asaguna ka hadlay kulankan ayaa wuxuu sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin iney kasoo qeyb galaan kulankaan muhiimka ah, isagoo aad ugu dheeraaday danaha laga leeyahay in dib loo soo nooleeyo sportiga iskuuladka iyo guud ahaan xididada cayaaraha dalka. "Waxaan rabaa inaan idiin xasuusiyo inaad tihiin macalimiinta ugu muhiimsan kuwa dalka, maadaama aad soo saareysiin dhalinyaro ka diyaarsan dhan walba, maskax, jir iyo waliba akhlaaqda wanaagsan oo ay caruurtu kula dhaqmi doonaan bulashada marka ay weynaadaan" ayuu yiri Duraan oo sidoo kale sheegay in dadka soo barbaariyey soona helay cayaartoyda adduunka ugu caansan ay yihiin macalimiinta ayaga oo kale ah, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay bilad dahblaha adduunka iyo Olympicada Maxamed Faarax oo sheegay haddii aysan aheyn macalinkiisii waxbarashada hoose ee cayaaraha inuusan marna cayaareen cayaaraha fudud. Waxaa asna hadalo guubaabo iyo dhiiri galina usoo jeediyey Macalimiinta, madaxa guddiga xulista cayaardoyda qaranka kana mid ahaan jiray cayaartoydii iyo macalimiintii kubadda cagta dalkeena macallin Maxamuud Xaaji Ibraahim oo bahda cayaaruhu u yaqaanaan Khalifani wuxuuna dareensiiyey macallimiintan mudnaanta ay u leeyihiin bulshada iyo sida looga fadhiyo in ay kaalintooda ka qaataan sidii loo soo saari lahaa dhalinyaro ka caafimaad qabta dhinac kasta isla markaana matali karta dalkeena. Waxaa aad uga hadlay Guddoomiye Tarabi oo ku dheeraaday qorshaha GOS ee dib usoo celinta sportiga iyo sidii loo wada gaarsiin lahaa dalkoo idil. "waxaa nasiib u yeeshay maanta iney fursadaan helaan waa adinka, waan ku tala jirnaa inaan fursaddaan ku baahinno dalkoo idil".ayaana ka mid ahaa hadaladii guddoomiyaha GOS. Wuxuu kaloo guddomiyuhu ka faalooday sida ay GOS uga goan tahay iney gaarsiiyaan sportiga Somaliyeed heer wanaagsan intii karaankoodaa ayagoo kaashanaya dadka bulshada u shaqeeya had iyo goor oo ay macalimiintu ugu horeeyaan. "Waxaan aad isaga xilsaarnay isla markaana ku dadaalaynay inuusan sport ga Soomaaliyeed ka maqnaan saaxada adduunka xilligii burburka, iyadoo ay mar walba booska ka maqneyd kaalintii mugga laheyd ee dawladda dhexe haddase waxaan ku rajo weynahay inaan tartamada uga qeybglno ka qeybgal tayo leh iyadoo aan la kaashaneyno ummadda Somaliyed oo idil guud ahaan gaar ahaana bahwaynta sport ga qaybaheeda kala gedisan iyo bulshada rayidka ah intaba" ayuu ku soo gunaanaday guddoomiye Tarabi hadalkiisii asagoo u rajeeyey in ay macalimiintani ka kororsadaan aqoon iswaydaarsiga aqoon badan. Iyadoo laga duulaayo ahdaafta qorshe-hawleed ee GOS, oo ay ka mid tahay in laga soo dhiso sportiga Somaliyeed meel hoose ayuu Guddiga OS wuxuu tan iyo markii la doortayba ku guda jiray sidii loo taaba galin lahaa muhimaddaas isla markaana u dardargelin lahaa abuurintaanka mashruucyada lagu gaari karo muhiimaddaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.