Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay shir-sanadeedka 2014 + Sawiro

0
Friday January 03, 2014 - 17:30:26 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay shir-sanadeedka 2014 + Sawiro

    Guddiga Olombikada Soomaliya ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku qabtay shir-sanadeedkii guddiga Olombikada kaasi oo 1-2 bisha janaury ka socdey hotelka Shamow,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaliya ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku qabtay shir-sanadeedkii guddiga Olombikada kaasi oo 1-2 bisha janaury ka socdey hotelka Shamow,

Shir sanadeedkaa ayaa waxaa warbixino kala dawan looga dhageystey masuuliyiinya GOS oo uu kamid ahaa Xoghayaha Duraan Faarax oo sharaxaad dheer ka bixiyey mudada halka sano iyo wixii gudaha iyo dibadda uga qabsoomay gudiga Olombikadda oo ah hey’adda ugu sareysa Sportiga dalka.

Sidoo kale gudoomiyaha GOS C/laahi tarabi ayaa dhankiisa soo jeediyey qudbado ku aadan qaab dhismeedka GOS iyo wada shaqeynta xubnaha gdiga fulinta iyo zone-ska ay GOS u wakiilatay gobolada dalka intooda badan,waxaana uu halkaasi ka sheegey in dhowaan ay ku shaqeeyn doonaan xarun ay GOS leedahay oo dhismihiisu gabogabo yahay.

Wasaaradda adeega Bulshada ee Sportiga qeybta ka ah,ayaa waxaa halkaasi u fadhiyey Agaasimaha guud iyo agaasinta Sportiga iyadoo Aweys xadaad oo ah agaasimaha guud si weeyn u amaanay GOS iyo xiriiradiisa dadaalka horumarineed iyo marxaladaha ay ku shaqeeynayeen.

Sidoo kale waxaa halkaasi warbixino looga dhageystey wakiilada zone-ska oo iyaguna soo bandhigey waxqabadkoodii wixii uga suurta galay mudada halka sano iyo waxa ka dhiman,iyadoo halkaasi leys-weeydaarsadey fikrado kala dawan oo hormarinta sportiga ku saabsanaa.

Dhamaan madaxda Xiriirada hoos taga GOS oo halkaasi goob joog u ahaa,ayaa waxaa ay warbixino ku saabsan mudadii sanadka ee 2013 iyo waxyaabihii ay qabteen kusoo bandhigeen halkaasi,waxaana xusid mudan in XSKC uu halkaa kusoo bandhigey Filim Documentary oo ku saabsanaa tartamadii,gudaha iyo dibadda iyo dhismaha garoonka banaadir ee ay sanadka 2013 ku talaabsadeen.

Qaar karirsan madaxda Zone-ska ayaa waxaa ay halkaasi ka sheegeen in horumarka XSKC ay tahay in la gaarsiiyo gobolada dalka ee aysan ku ekaanin Muqdisho oo keliya,soo jeedintaasi oo noqotay mid si weeyn loogu riyaaqay.

Sidoo kale waxaa halkaasi qudbado soo jiitay bahdii ku sugneyd madasha kasoo jeediyey laacibiintii dhinaca Kubadda Koleyga iyo cagta ee Somaliya ay lahayd oo uu kamid ahaa, Macalin Baarajab, Shiine Guhaad iyo Axmed Nuur Seyga waxaana ay xuseen sida loogu baahan yahay in talaabo kale loo qaado ee aan lays dhiganin iyagoo GOS iyo Xiriirada ku amaanay wax qabadkooda iyo marxaladii ay ku shaqeeynayeen ee dalka.

Macalin Cumar C/qaadir Baarajab oo mdo 26-sano kadib dalka kusoo laabtay ayaa halkaasi ka jeediyey qudbad balaaran oo uu kusoo bandhigey sida Somaliya u heli lahayd xul awood leh, taasi oo u soo bandhigey inuu wado mashruuc ilaa 5 sano ah oo lagu xareynayo min 10 sano jir ilaa 15 jir oo dugsiyada laga soo bilaabayo.

Ugu dambeeyntii Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo soo xirey Shir-sanadeedka ayaa waxaa uu kula dar-daarmey dhamaan ka qeybgalayaashii oo isugu jirtey dhamaan Madaxda Xiriirada ee gudiga Fulinta ee GOS ciyaartoydii hore, wakiilada Zone-ska iyo bahda saxaafadda inay si wadajir ah gacan uga geeystaan hormarinta Sportiga sanadka danbena la tiigsado horumar intaan ka balaaran.

C/xafiid Zaciimka

NOC Media




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.