Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo Seminaar dhinaca Horumarinta Sportiga jiilka cusub ku qabtay Muqdisho+sawiro

0
Tuesday January 07, 2014 - 19:04:03 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo Seminaar dhinaca Horumarinta Sportiga jiilka cusub ku qabtay Muqdisho+sawiro

    Iyadoo laga duulaayo hadafka dhinaca horumarinta Sportiga qeybihiisa kala duwan ee ay madaxda Olombikadu hore u balan qaadeen ayaa waxaa Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) seminaar dhinaca horumarinta iyo kobcinta Jiilka cusub ee dhinaca Spor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo laga duulaayo hadafka dhinaca horumarinta Sportiga qeybihiisa kala duwan ee ay madaxda Olombikadu hore u balan qaadeen ayaa waxaa Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) seminaar dhinaca horumarinta iyo kobcinta Jiilka cusub ee dhinaca Sportiga ah ku qabtay Hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho. Seminaarka oo ay ka soo qeybgaleen ku dhowaad 50-ruux oo Rag iyo Dumar isugu jira kuwaasi oo ka kala socdeySportiga degmooyinka G/Banaadir, dugsiyada iyo dhalinyaro kala duwan oo ciyaaraha ku howlan,ayaa waxaa lagu qaatay casharo iyo aqoon isweeydaarsi ku saabsan horumarinta iyo gaarsiinta sportiga jiilka yar yar ee Soomaaliyeed(Grass Roots Sports development). Madaxa dhinaca waxbarashada ee GOS Prof.Maxamed Axmed Tarabi oo casharada bixinayey ayaa halkaasi kusoo bandhigey Duruus ku saabsanayd sida loo hogaamiyo ama loo kobciyo Sportiga iyadoo loo soo marayo bilowga jiilka yar yare ee (Grass roots). Xoghayaha GOS Duraan Ahmed faarax ayaa halkaasi uga mahadceliyey dhamaan kasoo qeybgalayaashii iyo macalinkii bixinayey casharada oo qiimo weyn u leh jiilka cusub marka ay timaado hogaaminta dhinaca Sportiga. "Tani waxay qeyb ka tahay dadaalka GOS ee dhanka Horu-marinta dhinacyada kala duwan ee ciyaaraha hadii ay noqon lahayd tartamo,qalab iyo waxbarasho maamulka ah"ayuu yiri isagoo sharaxay howlaha mustaqbalka dhow u qorsheysan GOS. "GOS waxay isku howleysaa in horumarinta ciyaaraha iyo dhinaca maamulka aanu gaarsiino heer sare,wuxuuna socon doonaa marar badan iyadoo midkii ugu horeeyeyee sanadkaan 2014 uu yahay, todobaadkan gudihiisana sidaan oo kale ayaanu u qabaneynaa " ayuu raaciyey. Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo isaguna goob joog u ahaa seminaarka ayaa wuxuu halkaasi kula dardaarmey dhalinyaradii ka qeybgashey oo uu ku booriyey iney sii gudbiyaan wixii ay ka faaideysteen maadaama la doonaayo in lasii amba qaado dadaalka horumarineed ee Sportiga dalka. C/xafiidZaciimka SOC Media


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.