Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo qalab sport guddoonsiisay maamulka sport ga Jubbaland.

0
Thursday January 09, 2014 - 02:00:38 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo qalab sport guddoonsiisay maamulka sport ga Jubbaland.

    Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed asagoo ka duulaya barnaamijka horumarinta Sport ga ee da’yarta oo uu dhawaantan shaaciyey ayuu waxa uu maanta qalab sport oo isugu jira kubadda cagta, kolayga iyo cayaaraha fudud ku wareejiyey maamul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed asagoo ka duulaya barnaamijka horumarinta Sport ga ee da’yarta oo uu dhawaantan shaaciyey ayuu waxa uu maanta qalab sport oo isugu jira kubadda cagta, kolayga iyo cayaaraha fudud ku wareejiyey maamulka sport ga ee Jubbaland.

Xafladda wareejinta qalabkan oo ka dhacday xafiiska xoghayaha GOS ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda maamulkaasi sport ee Jubada Hoose oo maalmahanba booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Mogadishu waxaana uu xoghaya GOS Mr Duraan Axmed Faarax uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee GOS iyo sida ay bahda sport ga ee maamulada dalku uga qaybqaadan karaan intaba.

“Ugu horeyn waxaan mahad u celinayaa guddiga horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah ee guddiga olimbikada adduunka iyo agaasimahooda Tommy Sithole oo runtii juhdi badan ku bixiyey in aan helno mashruucan sidoo kalena horey ula ahaa GOS saaxiib wanaagsan had iyo goorna nala garab taagnaa taageero dhinacyo badan” ayuu yiri xoghayah GOS mudane Duraan.

“Waxaan la soconaa dadaalka aad ugu jirtaan sidii aad u horumarin lahaydeen sport ga gobolka isla markaana aad isugu soo dhawaynlahaydeen shacabka waana middaas iyo kuwa la midka ah waxa nagu dhaliyey in aan raadino isla markaana bahwaynta sport ga Soomaaliyeed u soo bandhigno mashruucan qiimaha badan u leh dhalinteena. Horumarinta dhalinyarada ayadoo la marayo sport gu waxa uu ka dhisaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin waxbarashada, dad la dhaqanka iyo waliba horumarka shaqsiyadeed wuxuuna sidoo kale wacyigelin u yahay dhalintan gaar ahaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen nabadda” ayuu ku soo gunaanaday xoghayaha GOS Duraan Axmed faarax.

Madaxa wafdiga bahda sport ga Jubbaland oo asaguna ka hadlay goobta ayaa uga mahadceliyey GOS iyo waliba IOC doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan sidii sport ga Jubada Hoose dib ugu hanan lahaa sumcaddiisii wuxuuna balan qaaday in ay si buuxda ula shaqayn doonaan GOS.

Tan iyo markii la shaaciyey mashruucan horumarineed ee sport ga da’yarta ayaa waxaa laga dareemayaa bahda sport ga dalka xiisa badan oo ay u hayaan barnaamijyada noocaan ah gaar ahaan macalimiinta dugsiyada waxbarashada ee dhinaca cayaaraha, kuwa kooxaha iyo waliba maamulada sport ga ee degmooyinka gobolka Banaadir waxaana la filayaa in barnaamijkan la gaarsiiyo dhamaan dalka sida uu xaqiijiyey xoghayaha GOS.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.