Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Olombikada oo seminaar iyo Tartan Orodo ku qabtey Muqdisho +sawiro

0
Sunday January 12, 2014 - 16:42:40 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Olombikada oo seminaar iyo Tartan Orodo ku qabtey Muqdisho +sawiro

    Iyadoo weli Guddiga Olombikada Soomaaalieed ee GOS ku howlan yihiin barnaamijka Horumarinta ciyaartoyda Da’yarta ah ee (Grass Roots) ayaa waxaa ay Muqdisho ku qabteen tartamo ciyaaraha Fudud ee Dugsiyada iyo seminar dhinaca Nabadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo weli Guddiga Olombikada Soomaaalieed ee GOS ku howlan yihiin barnaamijka Horumarinta ciyaartoyda Da’yarta ah ee (Grass Roots) ayaa waxaa ay Muqdisho ku qabteen tartamo ciyaaraha Fudud ee Dugsiyada iyo seminar dhinaca Nabadda iyo Sportiga ah oo socdey 2 cisho.

oo ku saabsanaa Sportiga iyo nabadda ayaa waxaa ka qeybgalay konton ruux oo ka kala socdey degmooyinka Gobolka Banaadir, Dugsiyada, jaamacadaha iyo dhalinarada sida iskooda uga shaqeysa horumarinta Sportiga waxaana lagu bixinayey casharo ku saabsan sida Sportiga loogu adeegsan karo dhinaca nabadda iyadoo loo marayo tartamo kala duwan.

Mudada 2-da cisho ah ee uu socdey seminaarka oo ay casharada bixinayeen C/Rashiid iyo prof C/qaadir Weah ayaa waxaa lays weeydaarsadey aqoon kororsi iyo qodobo aad muhiim u ah oo quseeya sida dhalaanka yar yare ee Soomaaliyeed loogu dhiirogelin lahaa Sportiga iyo in loo adeegsado dhinaca nabadda oo muhiimad gaara u leh Sportiga.

Xoghayaha GOS Duraan Faarax ayaa sheegay in qorshaha gudiga Olombikada ee sanadkaan 2014 uu yahay in la hormariyo Sportiga qeybta dhalinta yar yar ee (Grass Roots) iyadoo dhinacyo badan laga eegayo hadii ay ahaan lahayd Tartamada noocyo badan ah iyo seminaaro la siinayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaad la socotaancaalamka oo dhan in Sportiga uu yahay qalabka ugu weeyn ee furaha u ah nabadda iyo is dhexgalka bulsho sidaasi darteed ayey GOS culeyska u saareysaa in sportiga jiilka soo koraya la siiyo ahmiyad gaar ah”ayuu yiri xoghaye duraan.

“Seminaarkan dhinaca nabadda iyo Sportiga waxaa bar bar socdey tartan orodo ciyaaryahanada dhalinyada ee dugsiyada aynu ugu qabanay gudaha garoonka banaadir,taasi oo aynu ku baadi goobeyno sidii loo heli lahaa ciyaaryahano mustaqbal leh oo ka qeybgala tartamada heerka caalami ee Somalia ka qeybgeli doonto sanadkaan”ayuu raaciyey.

Dhinaca kale gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo isaguna ka Hadley xiritaanka seminaarka ayaa waxaa uu aad ugu mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha oo uu ku booriyey inay ka shaqeeyaan danaha iyo horumarinta Sportiga dalka oo ay GOS dooneyso inuu isbedel ka muuqdo sanadkaan.

“Qorshaha GOS waa in aqoon dhinaca waxbarashada Sportiga la garsiiyo dhamaan dalka,si loo soo saaro jiil cusub oo mustaqbalka ka qeybgeli doona tartamada caalamiga ah isla markaana guul uga keeni lahaa”ayuu yiri Tarabi.

C/xafiid Zaciimka

SOC Media




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.