Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Olympic Africa oo kaashaneysa Barcelona oo Seminaar Tababarayaasha K.cagta ka furay Muqdisho + Sawiro

0
Sunday February 16, 2014 - 21:47:03 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olympic Africa oo kaashaneysa Barcelona oo Seminaar Tababarayaasha K.cagta ka furay Muqdisho + Sawiro

    Gudiga Olombikada Caalamka ee IOC qeybteeda OlympicAfrica ayaa Muqdisho ka furey tababar dhinaca macalimiinka Kubadda cagta ee Dugsiyada iyo jaamacadaha,iyadoo hey’adda ugu sareysa Sportiga dalka ee GOS ay qeyb ka tahay dadaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudiga Olombikada Caalamka ee IOC qeybteeda OlympicAfrica ayaa Muqdisho ka furey tababar dhinaca macalimiinka Kubadda cagta ee Dugsiyada iyo jaamacadaha,iyadoo hey’adda ugu sareysa Sportiga dalka ee GOS ay qeyb ka tahay dadaalada iyo Horumarinta Sportiga ee ay horey u balan qaadeen.

Xafladda lagu furayey tababarkan oo ay ka qeybgaleen ilaa 30-macalimiin oo laga soo kala xuley dugsiyadda,jaamacadaha iyo qeybaha kale ee Ciyaaraha oo isugu jira Rag iyo Dumar,ayaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed tarabi oo sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay Mashruuc lagu doonayo in lagu horumariyo qeybaha kala duwan ee Ciaayaraha dalka.

“Waxaad la socotaan inaan halkaan horey ugu qabanay qeybta Ciyaaraha Fudud oo garoonka banaadir iyo hotelkan aynu joogno lagu kala qabtey,sidoo kale Olympic Africa waxaa ay iminka noo bilowdey dhinaca Kubadda Cagta,ilaa 17-ka bishan ayuu soconayaa qeybtan,laakiin waa uu balaaran yahay mashruuca wuxuuna gaari doonaa ,Kubadda Koleyga,Kubadda laliska , Kubadda gacantaiyo dhamaan xiriirada kale” ayuu raaciyey Tarabi.

Khabiirka bixinaya tababarkan dhinaca kubadda cagta ee tababarayaasha Mohamaddu Mansor Sombe oo u dhashey dalka Sinigal ayaa mahadcelin kadib ka warbixiyey mashruuca qeybta Kubadda cagta ee uu isaga wakiilka uga yahay OlympAfrica,sago xusey in mashruucaan ay ku doonayaan inay kusoo saaraan macalimiin si iyaguna ay usoo saran ciyaaryahanada aadka u da’da yar ee dugsiyada oo ah halka ugu horeyntii laga hel xidigo wanaagsan oo mustaqbal leh.

“Somalia waa markii igu horeysay oo aan imaado,waxaana kazoo shaqeeyey dalal badan oo Africa ah,mashruucan waxaa taaba gelintiisa iska leh,Olombikada qeybta Africa,waxaana dhinaca dhaqaalaha iyo qalabka ka taageeraaya kooxda Barcelona ee dalka Spain waxaan rajeyn doonaa inaad ka faaideysan doontaan” ayuu yiri Mr Sombe.

Waxaa halkaasi lagu qaatey Casharo maalintii ugu horeysay ee koobaad,iyadoo Horu dhaca waxa uu yahay kubadda cagta iyo sharaxaada,waxyaabaha ugu horeyntii laga doonaayo Macalinka lagu qaatey hoolka Shamo hotel,kadibna sitoos ah,ayaa casharo dhab ah oo tababarka garoonka ku saabsan loogu dhaqaaqey garoonka dugsiga DJabuuti,halkaasina saacado uu ku sharxay khabiirka reer Senigal.

Masuuliyiin,iyo waayo joog hore oo caan ka ahaa Sportiga dalka ayaa ka qeybgaley furitaankii tababarkaan,iyo sidoo kale masuuliyiinta GOS waxaana kamida Gudoomiyaha Olmbikada C/laahi tarabi, Xaaji Maxamed Axmed Coloow oo ah Khabiir iyo garsoorihii ugu horeeyey ee Somalia FIBA qaata,Macalin Shiine Guhaad,Macalin Jeemis,Ibraahim Roombe oo xubin ka ah GOS,,Maxed Xuurshe oo kamida Xoghaynta GOS iyo Madaxa XSKG,C/Casiis Godax oo ah madaxa AIPS Somalia,Xasan Himilo oo Olympic Solidarity katirsan,Dr.Jiiyaa Madaxa Caafimaadka GOS,Prof,Maxed Tarabi Madaxa waxbarashada GOS iyo Marti sharaf kale oo wasaaradda Sportiga ka socotey.

C/Xafiid Zaciimka

SOCMedia Dep.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.