Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo xarunta Olympafrica Muqdisho ku qabtey tartamo Ciyaaraha fudud ee Dugsiyada + sawiro

0
Sunday April 27, 2014 - 20:29:28 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo xarunta Olympafrica Muqdisho ku qabtey tartamo Ciyaaraha fudud ee Dugsiyada + sawiro

    Hey’adda ugu sareeysa Sportiga dalka ee GOS ayaa iyaga oo ka duulaya baadi goobka iyo Horumarinta noocyada kala duwan ee Ciyaaraha dalka iyo ciyaaryahanada waxaa ay qabteen Tartamo Ciyaaraha Fudud oo ay ka qeybgaleen ilaa 5 dugsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hey’adda ugu sareeysa Sportiga dalka ee GOS ayaa iyaga oo ka duulaya baadi goobka iyo Horumarinta noocyada kala duwan ee Ciyaaraha dalka iyo ciyaaryahanada waxaa ay qabteen Tartamo Ciyaaraha Fudud oo ay ka qeybgaleen ilaa 5 dugsi ciyaartoy ka socotey,kuwaasi oo da’doodu u dhexeysay 13/15 sano jiro.

Ciyaartoyda tirada badneyd ee ka qeybgashey tartanka ayaa isugu jirey wiilal iyo gabdho,waxaana lagu tartamayey noocyada kala duwan ee ciyaaraha Fudud sida Orodka,Waran tuurka,Boodada hoose oo ay ardeyda dugsiyadu ka wada qeybgalayeen.

Tartanka oo ka dhacay xarunta Olympafrica ee Soomaaliya gaar ahaan dugsiga Jabuuti ayaa waxaa uu socdey mudo sadex maalmood,iyadoo dhamaan ciyaartoyda dugsiyada ee ka qeybgalay wejiyadoodu ka muuqatey farxad iyo sida ay u jecel yihiin tartamada Spors ee Olympafrica iyo GOS ay qabtaan.

Mudadii sadexda cisho ee uu socdey tartankaasi ayaa waxaa u daawsho tagayey Madaxda GOS,Madaxa Olymafrica ee Soomaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xiriirada Sport ee dalka.

Xoghayaha GOS Duraan Faarax oo gebo gebadii halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin Barnaamijkan IAAF ee ay ku tartameen ciyaartoyda ardeyda shanta dugsi oo uu u mahadceliyey dhamaantood.

“Barnaamijkan waxaa uu qeyb ka yahay howlaha Horumarinta ee GOS oo u mareysa Olymafrica ku dooneyso inay lagu dhiso laguna soo saaro Ciyaartoy mustaqbal ku leh noocyada ciyaaraha,gaar ahaan ciyaaraha fudud oo aynu la socono in meesha laga helayo ay ugu horeeyso dugsiyada”ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi lagu bixiyey Hadiyado la kala gudoonsiiyey ciyaaryahanadii da’da yaraa ee kaalimaha fiican ka galay tartankaasi.

C/xafiid zaciimka

Nocsom Media Dep.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.