Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Heegan oo ku guulaysatay Horyaalka kubadda kolayga dalka (Sawirro)

0
Saturday May 10, 2014 - 14:03:34 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Super Admin
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heegan oo ku guulaysatay Horyaalka kubadda kolayga dalka (Sawirro)

    kooxaha kubada kolayga Heegan iyo I.L.S ayaa ku kulmay garoonka Wiish ( Ex Luujino) kulakii ugu adkaa Horyaalka oo ay labada koox ku dagaalamayeen sidii ay koox waliba u xajisan lahayd hogaanka ,ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxaa u so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxaha kubada kolayga Heegan iyo I.L.S ayaa ku kulmay garoonka Wiish ( Ex Luujino) kulakii ugu adkaa Horyaalka oo ay labada koox ku dagaalamayeen sidii ay koox waliba u xajisan lahayd hogaanka ,ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxaa u soo daawasho tagay Madaxda Gos, madaxda Xiriirada Ciyaartoydii hore isbootiga dalka,bahda taageerta ciyaarta kubada kolayga oo garoonka soo buux dhaafshay. 10-ka daqiiqo hore ee ciyaarta ladab koox aad ayay isugu dhawaayeen 10-ki labaad ayay kooxda heegan dar dar la soo gashay garoonka iyadoo maanka ku haysa guul ay kagaartaa I.L.S ay ka xigto in ay ku guulaysato Horyaalka waxaana qaybtii koowaad lagu kala nastay 28-22 3 jeesto oo ay Heegan kmu horka caysto kooxda Heegan.Marki laysku soo laabtay kooxda heegan ayaa halkeeda kasii wday weraraka waxayna dheeraysatay hogaanka Wiilasha da'da yar I.L.S ayaa soo bandhigay ciyaar farsamo wanaagsan, basle aan nasiibka dhaliskasaacidin inkasta oo ay ku wanaagsanaayeen sida ay isula jaan qaadayeen.ciyaarta ayaa augu danbayn waxay ku soo gaba.gabowday 62-48 7 jeesto oo ay guusha ku raacday Kooxda Heegan oo sidaa ku noqonatay Horyaalka kubadad kolayga dalka 2013-14. iyadoo laba kaulan ay uharsan tahay, waa koobkii labaad oo xiriir ah oo ay hananayso Heegan waxaana kaga sii horeeyay koobkii Genaral Daa'uud oo ay fiinaalkisa ka qaadeen Kooxda I.L.S 11 october sanadkii tagay.horyaalka ayaa la soo gaba-gabayn doonaa 16-ka bishan kooxdii difaacanaysay koobkan Dekedaha ayaa kaalinta labaad iyadoo kulanka u haray ay la ciyaari doonto kooxda Heegan, iyadoo Horseed iyo I.L.S oo dagala kaalinta ku jirana ay is arko doonaan .FAAH FAAHINTA CIYAARTA. Safka hore ee labada Koox: HEEGAN : Cali Maxamed Aadan ( Cali baraawini) No:7. Cabdifitaax Maxamed Mocow (Buukaale) N0:8, Cabduqaadir Max'ed Idiris (daadir diyeeshe) 10, 4 Maxamed ibraahain Cabdi (diyeeshe dheere)No:, 14 Axmed Bille 15.Safka Hore kooxda I.L.S Cabdalla Cabdullahi No:4, Yaxye C/laahi No:7, Nuuradiin Abuukar No: 10. Bashiir khaliif No: 13, Axmed maxamed Max;ud (luwa luwa)No: 15 Dhibcihii ugu badanaa Maxamed Ibraahin Cabdi Diyeeshe Dheere , 8jeesto iyo personal 17 dhibcood. Ciyaartoyda Garoonka laga saaray ee qaatay shanta Qalad, Heegan Siid Cali , Daadir diyeeshe s , I.L.S Ayaanle Max'ed, yaxye c/laahi, C/salaan C/risaaq, Nuuradiin Abuukar. Xidigii ugu fiicnaa ciyaarta waxaa loo aqoonsday Ciyaryahan Yaxye cabdulaahi oo u safta kooxda I.L.S kadib markii uu soo bandhigay ciyaarv xirfadeedu aad us areyso oo ay la dhaceen dadkii ciyaarta u soo daawasho tagay.Garsoorka Ciyaarta saacid axmed abuukar iyo Maxamed Xasaan Fiidoow, saacad Haye maxamed Siidoow, dhibco qore Abuukar M uudeey, Xeer ilaaliye Cabdi Cabduule Axmed baasaale. W/D: Xuseen Maxamed HadaafowEmail: hadaafoow7@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.