Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo sagootiyey wafdiga GOS ee ka qaybgalaya CF Afrika.

0
Tuesday May 20, 2014 - 17:06:34 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo sagootiyey wafdiga GOS ee ka qaybgalaya CF Afrika.

    Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax oo ay kamid ahaayeen ciyaaryahano ciyaaraha fudud iyo Tababare iyo wakiil kasocda Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aden cadde,iyagoo kusii jeeda magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax oo ay kamid ahaayeen ciyaaryahano ciyaaraha fudud iyo Tababare iyo wakiil kasocda Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aden cadde,iyagoo kusii jeeda magaalada Gaborone ee dalka Botiswana. Ciyaartoyda Soomaaliya u meteleysa tartanka 2aad ee ciyaaraha fudud ee qaaradda Africa ayaa ah gabar iyo Wiil lagu kala magacaabo Axamed Xuseen xasan iyo Maryan Nuux Muuse oo labaduba ordi doona 800m iyo 1500m,waxaana tababare u ah macalin Maxamed Faarax Cajab. Ka hor inta aysan wafdigu u ambabixin dalka Butuswaana ayaa waxaa ay kulan sagootin ah la qaateen Raysul wasaaraha DFSMudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyadoo kulankaasina goob joog ka ahaa wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga Dr khaalid Cumar Cali,Xoghayaha GOS Duraan Faarax,Gudoomiye ku xigeenka XSCF Saneey,Tababaraha Xulka Ciyaaraha Fudud macalin Cajab iyo ciyaaryahanada Somaliya u tartami doonta. Duraan faarax xoghayaha GOS ayaa halkaasi warbixin ku saabsan tartanka ay u socdaan iyo guud ahaan Sportiga dalka ka siiyey raysul wasaaraha,isagoo soo hadal qaadey in marxalad adag ay ku shaqeynayeen mudadii bur burka. "Waxaad ogtihiin in Sportiga dalalka caalamka ay dhiiri geliyaan dadka ganacsatada,shirkadah iyo maal qabeenada,sidaa oo kale dalalka soo koraya waxaa taakuleeya dowladahoodii inaguna labadaasi arin midna ma heyno"ayuu raaciyey Duraan. Wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga Dr Khaalid Cumar ayaa isaguna sidoo kale wasiirka koobaad u sheegay dadaalka GOS iyo xiriiradiisa ugu jiraan kor u qaadida iyo horumarinta ciyaaraha oo uu marqaati ka yahay inta uu xilka hayo. "Amaan ayey mudan yihiin GOS waxaana jira iney calanka geynayeen dhamaan tartamada caalamka,waxaana iminka la aadayaa tartamo kale oo ay ugu soo horeyso tartan Ugandha ka dhacaya mana heyno dhaqaalihii lagu aadi lahaa,wasaaradu waxay codsaneysaa in xiriirada iyo GOS si ay dhaqaale uhelaan in la kordhiyo daqliga wasaaradda loogu talo galay"ayuu yiri. Ugu danbeyntii raisul wasaaraha DFS C/weli Sh. Axmed ayaa isaguna u mahad celiyey GOS iyo dhamaan xiriiradisa isagoo sharaf weyn ku sheegay in ciyaartoy Soomaaliyeed ay mar waliba kasoo muuqdaan tartamada caalamka ka dhaca,wuxuuna ku guubaabiyey inay guul ka keenaan. "Waan ogahay guul iyo guul daro waa laga filaa tartan laakiin waxaaba guul ah inaad tagtaan oo aad ka soo muuqataan halkaasi,waana rajeynayaa inaad ku dartaan ugu yaraan guul waana idin rajeynayaa taasi"ayuu raaciyey. Waaxda warfaafinta GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.