Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tartankii 19-aad ee IAAF Day oo Muqdisho lagu qabtay + sawiro

0
Friday May 30, 2014 - 14:25:55 in Xiriirka Ciyaaraha Fudud by Super Admin
  • Visits: 1880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartankii 19-aad ee IAAF Day oo Muqdisho lagu qabtay + sawiro

    Xiriirka ciyaaraha fudud ayaa tartamo orodo ku maamuusay  maalinta IAAF Day ee 28-ka May,iyadoo u soo xaadireen madax katirsan Gudiga olombikada Soomaaliyed, Xiriirada,kala duwan iyo wasaaradda adeega bulshada dhinaca sportiga, Macalinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka ciyaaraha fudud ayaa tartamo orodo ku maamuusay  maalinta IAAF Day ee 28-ka May,iyadoo u soo xaadireen madax katirsan Gudiga olombikada Soomaaliyed, Xiriirada,kala duwan iyo wasaaradda adeega bulshada dhinaca sportiga, Macalinka qaranka ciyaaraha Fudud ahna wakiil ururka Somali Run.

Ciyaaryahanada heerka 1-aad ee ciyaaraha fudud kuwa dugsiyada oo gabdho iyo wiilal leh,ayaa ku tartamay orodka dheer ee marathonka oo laga soo bilaabay baarlamaankii hore ilaa garoonka banaadir Stadium,waxaana wadooyinka waaweyn dhoobnaa taageerayal iyo dadweyne aad u daawanayey orordka ciyaaryahanada.

Gebo-gebadii ayaa waxaa halkaasi hadalo ka jeediyey Ku-simaha Gudoomiyaha XCF Marwo Khadiijo aden Daahir oo sheegtay inay ku faraxsan tahay inay qabtaan tartamada noocan ah ee IAAF day,waxaana ay raacisey in tartanka ay ka qeybgaleen ku dhowaad 150 corodyahano oo heerarka kala duwan ilaa dugsiyada gobolka banaadir oo ay u tartamayeen da’yarta 10-12 sano u dhexeeya.

"Xiriirkeena waxaa ka go’an inay qabtaan dhamaan tartamada ka dhaca gudaha iyo midka ay qabtaan IAAF oo ay ku maamuusaan ciyaaraha iyo munaasabadaha"ayey tiri marwo khadiijo.

Khabiirka dhinaca ciyaaraha dalkeena Soomaaliya,isla markana xubin ka ah gudiga Olombikada soomaaliyyeed  Xaaji Maxamed Axmed Colow oo halkaasi kahadlay ayaa xiriirka ciyaaraha Fudud ku amaanay dadaalka iyo qabashada tartamada lagu hormarinayo ciyaaraha fudud isagoo ciyaartoydii halkaasi joogtay kula dardaarmey inay dadaalkooda xoojiyaan si ay mustaqbalka u metelaan calanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi Abaalmarino lacageed lagu gudoonsiiyey ciyaaryahanadii kaalimaha kala duwan ka galay tartankii orodka ee munaasabadda Xiriirka ciyaaraha fudud ee caalamka IAAF DAY lagu maamuusayey.

NOC Media




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.