Tartankii Kubadda Koleyga ee Zone V oo dib u dhacay
- Visits: 1467
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Waxaa lagu wadey in bartamaha bishan Juunyo dalka Ugandha uu ka bilaamo tartankii kubadda koleyga ee dalalka Bariga iyo Bartamaha qaaradda Africa oo dalkeena Soomaaliya qeyb ka ahaa,laakiin tartankaasy ayaa dib u dhacay. Sida uu Basketballsom.com u sheegay xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Siciid Faarax Ducaalle,waxaa la soo xiriirey Madax katirsan FIBA Africa kuwaasi oo u sheegay in tartanka aysan suurtagaleyn inuu furmo bishan Juunyo sida qorshuhu ahaa, oo dib u dhac uu ku yimid.
"Waxay ii sheegeen iney rajeynayaan in FIBA Africa Zone V ay yeelanayaan kulan looga hadlayo qorshaha iyo waqtiga kale ee la qabanayo tartankaasi oo dalal ay Soomaaliya kamid tahay diyaar garoow adag ugu jirtey"ayuu yiri xoghaye Faarax.
Ciyaartoyda Xulka Kubadda Koleyga ee Soomaaliya oo wacdaro ka dhigey tartankan kii ka horeeyay ee dalka Tanzaniya lagu qabtey ayaa iminkakujirey diyaargarow sare iyagoo intooda badan ku qaadanayey tababar iyo diyaargarow magaalada menisotta ee dalka Mareykanka.
Tartankii Kubadda Koleyga ee Zone V oo dib u dhacay
Waxaa lagu wadey in bartamaha bishan Juunyo dalka Ugandha uu ka bilaamo tartankii kubadda koleyga ee dalalka Bariga iyo Bartamaha qaaradda Africa oo dalkeena Soomaaliya qeyb ka ahaa,laakiin tartankaasy ayaa dib u dhacay.