Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo tartankan Samsung–Cup ku soo gabagabaysay xarunta Olympafrika ee magaalada Mogadishu.

0
Saturday July 05, 2014 - 12:52:02 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 9235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo tartankan Samsung–Cup ku soo gabagabaysay xarunta Olympafrika ee magaalada Mogadishu.

    Gudiga Olombikada Soomaaliya ayaa iyaga oo fulinaya balan qaadyadooda ku aadan horumarinta Sportiga dalka, ayaa waxaa ay garoonka dugsiga Jabuuti oo ah xarunta soo saarista ciyaartoyda Da'yarta ee  (Grass roots) ku qabteen tartan kubadda ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudiga Olombikada Soomaaliya ayaa iyaga oo fulinaya balan qaadyadooda ku aadan horumarinta Sportiga dalka, ayaa waxaa ay garoonka dugsiga Jabuuti oo ah xarunta soo saarista ciyaartoyda Da'yarta ee  (Grass roots) ku qabteen tartan kubadda cagta SAMSUNG–CUP kaasi oo ku tartameen ciyaartoyda da'doodu u dhexeyso  14–15 sano,kaasi oo ay ka qeybgaleen ilaa 200 oo ciyaartoy.


Tartanka aya waxaa ka qeybgaley ilaa sideed kooxood oo inta uu socdey halkaasi kusoo bandhigey ciyaaro aad looga helay oo ay ka dhex muuqdeen ciyaaryahano mustaqbaul wanaagsan leh,waxaana ugu dambeyntii isugu soo baxay labadii kooxood ee ugu awooda badneyd oo midkood ku guuleysatay koobka kaalinyta 1aad.

Madaxa xarunta soo saarista ciyaartoyda da’yarta ee (Olympafrica) qeybta Muqdisho Prof. Maxamed Axmed Tarabi oo halkaasi ka Hadley dhamaadkii ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsanyahay qabashada tartankaasi Samsung–Cup oo ay kala shaqeeyeen gudiga Olombikada iyo qaar katirsan tababarayaashii da’da yaraa ee qaatay tababarka Olympafrica ee Muqdisho lagu qabtey.


Kaaliyaha Xoghayaha GOS Maxamed Xuurshe X.Eenow) ayaa dareenkiisa ku muujiyey in Olympikada Soomaaliya ay ka go’an tahay in isbedelo laga muujiyo dhinacyo badan,sida aqoonta maamulka,tababarayaasha,soo saarista Ciyaartoyda,tartankan SAMSUNG–CUP uu qeyb ka yahay barnaamijyadaasi.

"Baraamijkan waxaan uga mahadcelinaynaa shirkadda SAMSUNG iyo sidoo kale dhaman intii tartankan gacanta naga siisey,oo ay ugu horeeyaan shaqaalaha xaruntan iyo kooxihii ka qeybgalay”ayuu raaciyey.

C/Xafiid C/samad Zaciimka
Waaxda warfaafinta GOS



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.