Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Ciidul-Fitriga.

0
Tuesday July 29, 2014 - 02:05:35 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay Ciidul-Fitriga.

    Iyadoo bulshada Islaamka gaar ahaan Soomaalida meel weliba oo ay caalamka ka joogto u bilatey bisha Shawaall ee Ciidul-fidriga kadib markii ay dhamaatey bishii Ramadaan ayaa gudiga ugu sareeya heyadaha sportiga dalka ee GOS hambalyo balaaran hawada u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo bulshada Islaamka gaar ahaan Soomaalida meel weliba oo ay caalamka ka joogto u bilatey bisha Shawaall ee Ciidul-fidriga kadib markii ay dhamaatey bishii Ramadaan ayaa gudiga ugu sareeya heyadaha sportiga dalka ee GOS hambalyo balaaran hawada u marisey dhamaan Soomaalida iyo Islaamka oo dhan.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska GOS oo uu ku saxiixnaa xoghayaha Duraan Faarax isla markaana ah xubin katirsan Anoca,ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiinta caalamka loogu  hambalyeeyay bilashada Bisha Shawwaal ee caawa dhamaan muslimiinta caalamku u bilaabatey,iyo farxadda Ciidul Fidriga,sanadka kiisa xigana alle nagu gaarsiiyo caafimaad.

"anigoo ku hadlaya magaca dhamaan gudiga Olombikada iyo Xiriiradiisa waxaan aad ugu faraxsanahay bilashada Ciida,sidoo kalena waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo waajibaadkii aanu gudanay ee Ramadaan,taasi oo dhamaan Muslimiinta caalamka lagu waajib yeelay,waxaana dhamaan muslimiinta iyo islaamka meel weliba ay joogaan la qeybsanaynaa farxaddaasi ciidda ”ayuu yiri Duran.

Hambalyada uu umadda islaamka ah gaar ahaan Soomaalida u jeedinayaan GOS ayaa imaaneysa xili berito Isniin ah dhamaan muslimiinta caalamka u bilatay bisha Shawaal,iyadoo dhamaan dalka Soomaaliya si weyn looga dareemayo caawa farxadda diyaargarowga Ciidul fidriga.

Waaxda warfaafinta GOS

Muqdisho–Somalia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.