Xiriirka Kubadda koleyga Soomaaliya ayaa si weeyn uga soo muuqdey kuraasta iyo Shirarka caalamiga ah, gaar ahaan qaaradda africa ee FIBA AFrica,kadib markii Ku-simaha GXSKK iyo Xoghayaha XSKK ay ka qeybgaleen Congresskii 16-aad ee FIBA Africa oo 31'ka July-1da Augost ka dhacay caasimadda Madagascar ee Antananarivo.
Shirweynaha 16"aad ee FIBA Africa ayaa waxaa usoo xaadirey ilaa 37 dal
oo Somalia kujirto,kuwaasi oo xubno ka ah FIBA,waxaana lagu soo bandhigey
waxqabadkii gudigii howshaasi wadey afartii sano ee lasoo dhaafay sida uu ii
sheegay Said farah oo ah xoghayaha XSKK oo kamida madaxda Somalia u meteshay
shirkaasi.
"waxaa halkaasi lagu
soo bandhigey shuruucda cusub oo lagu dhaqmi
doono sida tartamada loo ciyaari doono ( home and away )iyo dardargalinta horumarinta
kubada Koleyga ee Africa"ayuu raaciyey xoghayaha.

Shirweynaha ayaa waxaa lagu doortey hogaan cusub oo ay yeelatey FIBA
Africa,kaasi oo Gudoomiye loogu codeeyay
Nianag hamedu oo u dhashey dalka Mali,isagoo bedelaya Mabusa Eseka Dieudonne, oo u dhashey Republic
of Congo,xilkaasina soo hayey 4tii sano ee lasoo dhaafay.
Madaxda Xiriirka K Koleyga Soomaaliya ee shirkaasi ka qeybgashey Cali Xasan
Cali oo ah Ku-xigeenka gudoomiyaha iyo Xoghaye Siciid Faarax Ducaalle ayaa
halkaasi,kulan kula qaatey Madaxda Xiriirka Kubadda koleyga ee Masar,iyagoo
kala hadley sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen horumarinta Kubadda
koleyga dhinac walba.
C/xafiid C/samad Zaciimka
Waaxda warfaafinta ee GOS
Soomaaliya oo ka qeybgashey Shir-weynihii FIBA Africa 2014,oo lagu doortey hogaan cusub oo qaaradda ah
Xiriirka Kubadda koleyga Soomaaliya ayaa si weeyn uga soo muuqdey kuraasta iyo Shirarka caalamiga ah, gaar ahaan qaaradda africa ee FIBA AFrica,kadib markii Ku-simaha GXSKK iyo Xoghayaha XSKK ay ka qeybgaleen Congresskii 16-aad ee FIBA Africa oo 31