Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Wakiilka Xiriirka K/Cagta Soomaaliya ee UK oo dalka dib ugusoo laabtay.

0
Monday August 04, 2014 - 17:30:47 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Xiriirka K/Cagta Soomaaliya ee UK oo dalka dib ugusoo laabtay.

    Waxaa magaalada Muqdsiho soo gaaray wakiilka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta u jooga dalka Ingriiska Dr Cabdi Colaad Raage oo safar shaqo ku yimid dalka si uu ugu kuur galo dadaalada xiriirka kubada cagta ee dalka gudihiisa ka soconaya, isagoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Muqdsiho soo gaaray wakiilka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta u jooga dalka Ingriiska Dr Cabdi Colaad Raage oo safar shaqo ku yimid dalka si uu ugu kuur galo dadaalada xiriirka kubada cagta ee dalka gudihiisa ka soconaya, isagoo isla markaana xiriirka usoo gudbin doona qorshe horumarineed oo balaaran.

Dr. Cabdi Colaad iyo masuuliyiinta ugu sareysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed, ku xigeenadiisa iyo xoghayaha guud Cabdi Qani Sacidi Carab ayaa shalay kula kulmay garoonka Stadium Banaadir  wariyeyaal caalami ah oo muddo dheer wax ka qorayay kubada cagta Soomaaliya oo haatana dalka socdaal ku yimid si ay wareysiyo ulasoo sameeyaan macalimiinta iyo ciyaartoyda xulka qaranka.

Dr. cabdi Colaad oo wariyeyaasha la hadlay ayaa ka war bixiyay qorsheyaasha xiriirka ee ka socda dalka Ingiriiska gaar ahaana habka diyaarinta ciyaartoyda Soomaaliyed ee da’da yar oo loo diyaarinayo mustqabalka inay matalaan qaranka Soomaaliyeed iyo barnaamij horumarineed oo weyn oo la doonayo in dhawaan laga hir-geliyo magaalada London kaasoo loo qaban doono dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uk.

Si gaar ah waxaa uu faafaahin uga bixiyay xaalada ay  haatan ku sugan yihiin caruur Soomaaliyeed oo ku nool London oo sanadkii hore ku guuleystay tartan loo qabtay caruur ka yar 12 jir oo kasoo kala jeeda jaaliyadaha kala dwuan ee UK ku nool tartankaas oo ay ka qeyb galeen in ka badan 120 kooxood oo caruur ah.



Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble ayaa si aad ah ugu amaanay Dr Cabdi Colaad iyo ragga kale ee la shaqaeeya Sida Cabdirashiid Islow iyo Rabiic Muuse howsha weyn oo ay u hayaan qaranka iyo dadaalkii dheeraa oo ay soo galeen sanadihii lasoo dhaafay oo ay soo direen cayaaryahano badan oo qaranka ugasoo biiray dibadaha.

"Adiga iyo saaxiibada kale ee kula shaqeeya waxaan aad idinkugu amaanayaa dadaalka qaranimada ku dhisan ee aad dibadaha ka wadaan” ayuu guddoomiye cali Saciid Guuleed Ku yiri Dr Cabdi Colaad oo isna sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay is badalka weyn ee dalka ka soconaya iyo horumarka kubada cagta ah ee Soomaaliya ku talaabsaneyso.

Ugu dambeyntii Dr Cabdi Colaad Raage iyo wariyeyaasha caalamiga ah ee tagay garoonka ayaa lagusoo wareejiyay qeybaha kala duwan ee garoonku ka kooban yahay.

Walkiika xiriirka Soomaaliyeed ee dalka Ingriiska Dr Cabdi Colaad Raage ayaa mud bil ka badan joogi doona dalka waxaana inta uu joogo uu maamulka sare ee xiriirka Soomaaliyeed usoo bandhigi doonaa qorshaha horumarinta kubada Cagta Soomaaliyeed ee la doonayo in laga hir geliyo dalka Ingiriiska iyo qaabka loo wajahayo howshaas baaxada leh.


Somali Football Federation Media Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.