Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta oo Maanta Xaflad Sagootin u sameeyay Xulka Qaranka kubada gacanta Wiilasha iyo gabdhaha+Sawiro

0
Thursday August 21, 2014 - 23:35:19 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta oo Maanta Xaflad Sagootin u sameeyay Xulka Qaranka kubada gacanta Wiilasha iyo gabdhaha+Sawiro

    Xafladan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa Maanta ka dhcaday Xarunta Gos iyadoo lagu sagooyinayay Ciyaartoyda Xulka Qaranka kubadda Gacanta oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira kuwaa oo ka qaybgalaya ciyaaraha africa challange cuboo dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa Maanta ka dhcaday Xarunta Gos iyadoo lagu sagooyinayay Ciyaartoyda Xulka Qaranka kubadda Gacanta oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira kuwaa oo ka qaybgalaya ciyaaraha africa challange cuboo dalka Ethioia ka dhacaya, Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo sboortiga Cismaan Maxamed Cabdi ,Gudoomiyaha Gos Cabdulaahi Axmed tarabi Madadax a amuuraha gobolada ee Gos Ibraahian Roombe iyo Madaxda Xiriirka Kubada gacanta. Xoghaya XKG Nuur Maye Cismaan  ayaa ugu horayn ka war bixiyay diyaar garowga ay ciyaartoyda ku jireen lixdii  bil ee la soo dhaafay
waxuuna sheegay in xiligan  uu yahay xiligii ugu fiicnaa marka loo fiiriyo mudada ay diyaar garowga ku jireen Ciyaartoyda oo aysan helin
fursad tabara kan oo kale.

Gudoomiyaha XKG Maxamed Xuurshe Xasan  Eenoow ayaa ciyartoyda kula dardaarmay in  ku sifoobaan ciyaartoy aqlaaq leh Maadaama ay u socdaan dal daris la ah soomaaliya, Gudoomiye Eenoow  ayaa dhaka kale  sheegay in Soomaaliya ay wiilal iyo gabdho uga qayb galayaan iyadoo dalal Soomaliya  ka dhaqaalo wanaagsan ay aysan taa haysan waxuuna ku celceliyay in ay ka soo dhadhaalaan tababarkii ay qaateen tix geliniyo kala dambayna ay layimaadaan inta uu tartanka socdo.


Gudoomiyaha  Gos  Cabdulaahi Axmed Tarabi oo  Xaflada ka hadlay  ayaa xooga saaran  la dardaaranka ciyaartoyda waxuuna u sheegay in ay
difaacaan sumcada iyo sharafka Soomaliyeed, Gudoomiye tarabi u ayaa dhanka kale u mahad celiyay xiriirka kubadda gacanta oo uu sheegay
aysan meel dhaqaale ka soo galo isla markana u dhabar adeegay in ay matalaan ciyaaraha dalka dibadiisa ka dhacaya.

Gudoomiye Tarabi ayaa tilmaamay in tuutaha qaranka oo xidiga ku taal ciyaaryahankii qaata uu yahay safiir lagana doonayo bandhig wanaagsan
iyo aqlaaq  suuban waxuna u rajeey in ay guul u soo hoyaan umadda soomaaliyeed.

Wasiirka ku Xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Cusmaan Maxamed Cabdi  ayaa sheegay in ay ciyaartoy Soomaaliyeed  oo calanka
Soomaaliya matalaya oo wasaaradooda  u yimid oo aan dheera gelin karin ay tahay  arin wasarada dhibaysa , Wasiirka ayaa intaa kudaray in ay
doorka wasaarda lasoo bixi doonto waxuuna  ciyaartoyda u rajeeyay in ay guulaystaan.

Xulka qaranka kubada gacanta ayaa ka qayb Geli doona Ciyaaraha africa challange cub  oo dlaaka Ethiopia ka dhacaya waxaana soomaaliya ku
wehlin doona, Djabouti, Sudan iyo Ethiopia.

Tartankan ayaa socon doona 23 ilaa 29 bishan agoosto iyadoo Xulka qarankan kubada gacanta oo isugu jira Wiilal iyo gabdho ay dalak Ka
bixi doona  Maalinta Jimcaha oo ku Beegan 22 agoosto.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: hadaafoow7@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.