Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Magaalada Kismayo oo tartamo sport looga xusay maalinta nabadda adduunka.

0
Saturday September 27, 2014 - 19:57:10 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Kismayo oo tartamo sport looga xusay maalinta nabadda adduunka.

    Ugu yaraan 150 qof oo isugu jiray siyaasiyiin, cayaartoy hore, maamulka sport ga iyo haween ayaa isugu soo baxay socod saddex kilometre ahaa oo lagu maamuusayey maalinta nabadda adduunka oo ku beegnayd 21 September.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 150 qof oo isugu jiray siyaasiyiin, cayaartoy hore, maamulka sport ga iyo haween ayaa isugu soo baxay socod saddex kilometre ahaa oo lagu maamuusayey maalinta nabadda adduunka oo ku beegnayd 21 September.

Socodkan iyo tartamo sport oo dhinac socday ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka sport ga ee magaalada Kismaayo oo gacan ka helayey guddiga olimbikada Soomaaliyeed waxaana ay ujeedadiisu ahayd sidii loo kordhin lahaa isdhexgalka bulshada ku dhaqan magaaladaasi taasoo qayb wayn ka qaadan karta dib u soo celinta kalsoonida shacabka iyo nabad ku wada noolaanshahooda.

Tira badan oo ka mid ah cayaartoydii magaca wayn ku lahaa cayaaraha kala gedisan ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka mid ahaa dadkii isugu soo baxay dhiirigelinta maalintan lagu maamuuso nabadda.

Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax oo la hadlay Nocmedia ayaa sheegay in cayaaro iyo tartamo lagu waynaynayo maalintan ay ka dhacayaan magaalooyin badan oo ka mid ah dalka tartankan Kismayo ka dhacayana uu ka mid yahay barnaamijyadaas lagu dhiirigelinayo nabadda.
"Gobolka Jubada Hoose waxaa uu caan ku ahaa dhiirigelinta iyo kobcinta sport ga dalka mudadii ka horeysay burburkii dalka waxaanan ku dhiirigelinaynaa sidii ay kaalintaas dib ugu hanan lahaayen maadaama ay nabadii hadda dib ugu soo noqonayso”. Ayuu yiri xoghayaha GOS oo u waramayey waaxda warfaafinta ee GOS.

 Ma ahan markii ugu horeysay ee GOS kaalmo iyo gacanba ka gaystaan hawlaha horumarinta sport ga ee goboladaas waxaana xiriirka GOS iyo maamulka sport ga ee jubooyinku uu u sii xoogaysanayaan si aad u baaxad wayn maalinba maalinta ka dambaysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.