Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xilliyada ay furmayaan horyaalada dalka oo la shaaciyay.

0
Monday October 06, 2014 - 19:49:58 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilliyada ay furmayaan horyaalada dalka oo la shaaciyay.

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu furmi doono horyaalka heerka 1-aad ee dalka ee Nation Link Telecom Championship oo ah tartan isboortiyeedka ugu shacbiyadda badan dalka. Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday xilliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu furmi doono horyaalka heerka 1-aad ee dalka ee Nation Link Telecom Championship oo ah tartan isboortiyeedka ugu shacbiyadda badan dalka. Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday xilliyada ay furmayaan horyaalada heerarka B iyo C ee xilli cayaareedka 2014-2015-ka.

Jadwalladan ayaa lagu shaaciyay intii uu socday kulan muddo saacado ah qaatay oo maanta dhex maray guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta iyo madaxda 25-ka naadi ee dalka.

 

Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab laguna qabtay garoonka Stadium Banaadir ayaa dhamaadkiisii waxaa guddiga tartamadu uu ku dhawaaqay xilliyada ay furmayaan 3-da horyaal ee dalka iyo sidoo kale koobka koobabka.

 

Sida ku cad jad jadwallada lasoo saaray waxaa horyaalka heerka 2-aad uu furmi doonaa 10-ka bishan October waxaana cayaarat furitaanka isku haleeli doona naadiyada Singjet iyo D.B.G, halka horyaalka Heerka 3-aad ee ‘C’ uu isna furmi doono 12-ka bishan waxaana isku arki doona cayaarta furitaanka naadiyada Geeska Afrika iyo GASCO.

 

Naadiga Elman oo kaalinta labaad ku dhameystay horyaalkii lasoo dhaafay ee Nation Link Telecom ayaa isna 19-ka bisha December 2014 waxaa uu cayaarta furitaanka ee horyaalka Heerka 1-aad la yeelan doonaa naadiga Horseed ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Waxaa sidoo kale la asteeyay maalinta la cayaarayo koobka ‘Supper Cup’ oo ay ku tartami doonaan naadiga Banaadir oo horyaalka heysata iyo naadiga Jeenyo United oo iyana heysata koobkii General Da’ud 2014. Waxaana cayaartaasi ay dhici doontaa 12-ka Bisha December ee sanadkan.

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.