Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Madaxda GOS oo ku sugan magaalada Bankog kana qaybgalaya kulanwaynaha 19 aad ee ANOC.

0
Wednesday November 05, 2014 - 16:18:58 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda GOS oo ku sugan magaalada Bankog kana qaybgalaya kulanwaynaha 19 aad ee ANOC.

    Guddoomiyaha GOS C/Laahi Axmed Tarabi iyo xoghayaha Gos Duraan Axmed Faarax ayaa ku sugan magaalada Bangkog ee dalka Thailand si ay uga qaybgalaan kulanwaynaha ururka ay ku bahoobeen guddiyada olimbikada ee dalalka caalamka ee marka la soo gaabiyo lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha GOS C/Laahi Axmed Tarabi iyo xoghayaha Gos Duraan Axmed Faarax ayaa ku sugan magaalada Bangkog ee dalka Thailand si ay uga qaybgalaan kulanwaynaha ururka ay ku bahoobeen guddiyada olimbikada ee dalalka caalamka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ANOC.

Kulankan oo furmaya maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa ay madaxda Olimbikada Soomaaliyeed ka qaybgeli doonaan kulanka ugu horeeya oo maanta ay qaaradaha kala duwani si gooni gooni ah ugu yeelan doonaan halkasi ayagoo qayb ka ahaan doona kulanka guddiyada Olimbikada ee qaaradda Afrika halkaasoo la filayo in ay ka soo jeediyaan warbixin ku aadan horumarka sport ga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xawliga uu ku socdo dhaqdhaqaaqa Olimbikada dalka.

Maalinimada berrito ah ayey guddoomiyaha iyo xoghayuhu goob joog ka ahaan doonaan kulanwaynaha 19 aad ee ururka guddiyada Olimbikada adduunka ee ANOC kaasoo warbixino looga dhagaysan doono guddiyada joogtada ah ee ururkaasi, wixii u qabsoomay iyo waxyaabaha la filayo in ay qabtaan mustaqbalka.

Ugu dambayn ayaa waxaa kulanwaynahan uu markii ugu horeysay taariikhdiisa bixin doonaa abaalmarin loogu magac daray "ANOC Award" laguna abaalmarin doono shaqsiyaad ka tirsan guddiyada olimbikada kala gedisan ee muujiya waxqabad dheeri ah oo ku aadan horumarinta olimbikada adduunka ama dalkooda iyo waliba cayaartoyda ayagu ka muujiya dadaalka dheeriga ah kulamada olimbikada dunida taasoo sida ay sheegeen madaxda ANOC wax badan ka tari doonta dhiirigelinta dadka ayagu ku hawlan howlaha horumarka olimbikada adduunka.

Mudada ay ku sugan yihiin kulanwaynaha ayey guddoomiyaha iyo xoghayaha GOS waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda ANOC iyo kuwa qaaradda intaba ayagoo kala hadli doona sidii loo sii adkayn lahaa taageerada iyo xiriirka adag ee ka dhexeeya GOS iyo ururadaas una soo bandhigi doona qorshaha horumarineed ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya burbur iyo colaad aad u baaxad wayn.

ANOC Award

 

 

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.