Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirwaynihi 19-aad ee ANOC

0
Monday November 10, 2014 - 16:51:03 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirwaynihi 19-aad ee ANOC

    Wafdi ka socda dalkeena soomaaliya ayaa ka qayb galay shirwaynihii 19-aad ee ANOC oo ka dhacay Magaalada Bankok ee Dalka Thailand, Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo Xoghayaha guud Duran Axmed Faarax ayaa soomaaliya uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ka socda dalkeena soomaaliya ayaa ka qayb galay shirwaynihii 19-aad ee ANOC oo ka dhacay Magaalada Bankok ee Dalka Thailand, Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Tarabi iyo Xoghayaha guud Duran Axmed Faarax ayaa soomaaliya uga qayb galay shirka. Shirkan oo ahaa shirweynihii 19-aad ee ANOC (Association of National Olympic Commutees) kana dhacayey Magaalada Bangkok 5 - 8 November,
ayaa ahaa shir sanadkiiba mar la qabto, iyadoo  kanina uu ahaa kii doorashada oo uu ku ekaa waqtigii  guddoomiyaha kaasoo labadii sano oo la soo dhaafay uu si ku meelgaar ah (dhameystira) u sii hayey Sheikh Ahmed Fahad Alsabah oo u dhashay dalka Kuwait  kadib markii sannadkii 2012ki  uu guddoomiyihii waqtiga dheer soo hayey  Mario Vasques Rana uu xilka  iska casilay.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb galeen dad ka badan 1500 oo ka kala socday hayadaha kala duwan ee isboortiga sida: International Olympic
Committee, International Federations, National Olympic Committees, International Associations Governmental and Nongovernmental
organisations ayaa  waxaa laga soo jeediyey warbixino ku saabsan horumarinta isboortiga iyo siduu isboortiga ula jaanqaadi lahaa
isbeddelada cusub ee dunida.

Waxaa shirka furay raiisal wasaaraha dalka thailand  Prayuth Chan-ocha, asagoo si diiran ugu soo dhaweeyey wufuuda dalkiisa ugana mahad celiyey ANOC iney shirweynahooda u doorteen in dalkiisa uu marti geliyo,  Waxaa isaguna warbixin wax ku oola ka soo jeediyey guddoomiyaha cusub ee IOC Dr. Thomas Bach asagoo aad ugu dheeraaday aragtiddisa cusub ee uu ugu magac daray Sports agenda 2020 taasoo la rajeynaayo in lagu ansixiyo shirweynaha IOC-da oo bisha December ee sanadkan ka dhacaya Monaco,

Thamas Bach ayaa dhanka kale xusay  in ay IOC ku guuleysatay in United Nation ka ay qodobadooda ku dareen article 69 oo qeexaya madax
banaanida isboortiga (Sport autonomy)

Dhinaca doorashada jagooyinka  lagu loolamayay waxay kale ahaayeen Madaxwayne iyo Madaxwayne ku- xigeen, waxaana u taagnaa jagadiiba hal
musharax oo kala ahaa Sheikh Ahmed Alsabah madaxwayne oo labadii sano oo uuu xilkan sii hayay uu ururkan ANOC ku
talaabsadaya horumar aad u balaaran, waxaana xilkaasi si aqlibayad ah ayaa loogu doortay inuu sii hayo 4ta sano ee soo socota, ku-xigeen  waxaa loo doortay William Hickie oo dalka
Irland u dhashay.

Wafdiga Somaliya oo ka koobnaa Guddoomiyaha iyo xoghayaha  Gos ayaa intuu shirku socday Shiraar gaar  ah la yeeshay  Guddoomiyaha Olmbikad Aduunka  Thomas Bach oo xilka qabtay  September 2013 iyo Gudoomiyaha Cusub ee Anoc Sheikh Ahmed Alsabah,  ayagoo uga warbixiyey horumarka balaaran ee GOS ku tala jirto in ay ka qabato sport ga dalka Soomaaliya iyo mudadii yarayd ee maamulkani hayey xilka horumarka ay ku talaabsadeen intaba waxaana ay madaxdaasi dhinacooda u xaqiijiyeen madaxda Soomaaliya in ay sii laba laabi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin GOS isla markaana ay kaalin wayb ka qaadan doonaan sare u qaadida sport ga Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.