Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Aqoon is-waydarsi hal maalin ah oo loo qabtay xeer ilaaliyaasha

0
Monday November 10, 2014 - 17:19:18 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoon is-waydarsi hal maalin ah oo loo qabtay xeer ilaaliyaasha

    Waxaa Maalinimadii shalay Magaaalada muqdisho ka dhacay seminaar aqoon is-waydaarsi kaa soo loo qabtay xeer ilaaliyaasha iyo kormeerayasha garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta , Seminaarkan oo hal maalin kaliya ku koobnaa waxaa soo q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalinimadii shalay Magaaalada muqdisho ka dhacay seminaar aqoon is-waydaarsi kaa soo loo qabtay xeer ilaaliyaasha iyo kormeerayasha garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta , Seminaarkan oo hal maalin kaliya ku koobnaa waxaa soo qaban qabiyay xiiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagta, waxuuna u jeedkiisa ahaa in la tayeeyo shaqada & aqoonta xeer -ilaaliyaasha xiriirka. Waxaan ugu  horayn  Seminaarkan daah furay Guddoomiyaha garsoorayaasha Cismaan  jaamac diraac iyo ku-simaha xogahayaha Xasan
Maxamed maxamuud( Xasan fareey),  oo si gaar uga hadlay muhiimada ay xeer -ilaalinta leeyahay waxuuna intaa ku daray in dhamaan 11 xeer
ilaaliye ee seminaarkan ka soo qayb galay ay garsoorka kasoo wada shaqeeyeen lagana rabo in ay is bedel  hormar horseedi kara la
yimaadaan.

Xeer ilaaliyaasha ayaa aqoon is-waydaarsiga inta badan xooga ku saray sidii ay ula socon lahaayeen is bedelka ku yimid shuruucda kubadda
cagta caalamka, waxaa kale oo ay  soo bandhigeen caqabdaha ka jira garoonka inta ay tartamda socdaan.

Ugu Dambayn waxaa seminaarka  ka soo qayb galay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi qani Saciid Carab si uu u xero
seminaaarka, waxuuna yiri " Aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo  qayb galo aqoon is-waydaarsigan waxaana u mahad ce,linayaa macaliintii xasharada bixinaysay in xeer-ilaaliyasha  ka soo qayb galay seminaarkan si ay aqoontooda sare ugu qaadaan.

Guddoomiye Cabdiqani ayaa xeer-ilaaliyaasha ku wargeliyay in ay laga rabo ilaalinta xeerka tartamada iyo la socodka garsoorka, masuuliyadna
ay ka saaran tahay dhamaan garoonka, waxuuna Xeer-ilaaliyasha ka dalbaday in ay soo gudbiyaan caqabada ay garoonka kala kulmaan si wax
looga qabtoisla markana ay soo gdubiyaan  talooyinka ku aadan sidii loo horu marin lahaa howsha xeer-ilaalinta oo howsha ugu wayn ee
xiriirka.

Cabdiqani ayaa dhanke kale sheegay in  Seminaarkan uu  bilow yahay lana joogtayn doono xiriirkuna uu xooga saari doono sare u qaadida
aqoonta tiirarka xiriirka ku taagan yahay.

W/D: Xuseen Maxamed hadaafow
Email: hadaafoow7:gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.